Golaha Guurtida JSL oo ku hawlan Daminta Shaqaaqada Degaanka Cuna-qabad

0
257

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaano u diray shaqaaqo shalay ka dhacday duleedka magaalada Hargeysa.

Shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ka dhacday Koonfurta magaalada Hargeysa, kadib markii beelo walaalo ah, oo oodwadaag ahi ay isku qabteen dhul daaqsimeed.

Xildhibaanadan guddoomiye Saleebaan u diray degaanka Koonfurta Hargeysa, ayaa ka qayb qaadan doona xalinta shaqaaqada degaankaasi ka dhacday.

Geesta kale Mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa ka dooday arrimaha dhaqaalaha ee dalka, waxaanay qaarkood sheegeen in dhaqaalaha dalku aad u liito, waxaanay soojeediyeen in laga faa’idaysto khayraadka dihin dalka ku duugan.

Sidoo kale waxa ay xuseen in aan sidii loogu talo galay looga faa’idaysan khayraadka Bad iyo Berriba leh.

Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe Furre ayaa sheegay in dhaqaalaha dalku hoos u dhac ku yimid, gubashadii suuqa Waaheen wixii ka danbeeyay.

Waxaanu yidhi.“Dhaqaalaha dalku aadbu u hooseeya maanta, suuqa Waaheen ee gubtayna hoos u dhaca dhaqaale qaybu ka yahay, Wajaale wuu xidhan yahay oo wixii mari jiray Itoobiya ayaa joojisay,”

Xildhibaan Siciid Xuseen Huruse, ayaa soojeediyay in qorshe laga yeesho sidii dhallinyarada mustaqbal wanaagsan loogu sameynlaha.

Waxaanu yidhi.“In la hadlo oo aan ficil lagu darin looma baahna, balse dalka iyo dadku waxa uu uu baahan yahay in dalka la badbaadiyo, oo ubadka ubadkiisa mustaqbal loo sameeyo, in carruurteena aynu u shaqayno oo mustaqbal uga tagno, oo aynu tusno wadada saxda ah ayaa loo baahan yahay, dhaqaalahana sidii aynu u soo saarilahayn aynu ka fakarno, kana faa’idaysano”

Xildhibaan Axmed Dirir Cali ayaa ganacsatada waa weyn ee dalka u diray fariin la xidhiidha inay ka tagaan isticmaalka dollarka intaa aanu gacantooda ku dhiman.

Waxaanu yidhi. “Shan dowladdeed oo la isku yidhaahdo Pirikis, Barasil, Ruushka, Hindiya, China iyo Koonfur Afrika, waxa jira dowladdo kale oo ku biiraya oo ay ka mid yihiin Turkiga iyo dowladdo kaleba, waxay go’aansadeen inay ka guuraan dollarka isla markaana ay sameystaan lacago ay wax ku kala iibsadaan, waxa iman doonta in adduunyadu ka cararto dollarka oo ninkasta isku dayo in aanu gacantiisa ku dhiman, waxa iman doonta in dowladdo badan oo qani ku ah dollarka la arko iyaga oo faraha iskula hadlaya, arrintaasi ayaa fooda innagu soo haysa,a innagu waxbaba ma haysano, waxa aynu iibina waa adhiga, dollar kayd ahna ma lihin, waxaan ka codsanaya ganacsatadeena inta goori goor tahay in dollarkooda lacago aan isbaddalaynin sida ta China iyo Turkiga ay iyo wax la mida ay ku badashaan oo dollarka ka cararaan inta aanu gacantooda ku dhiman”

Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan, “In aynu xidhiidh adduunka la yeelano, haddii aad godoon noqoto dhaqaalahaagu ma korayo, in xidhiidhka adduunka aynu la leenahay la wanaajiyo, si koboc dhaqaale aynu u helo”

 

 

Leave a Reply