- Nolosha waxay ina bartay in shaqada wanaagsani aad uga fiican tahay hadalka wanaagsan ee kaliya.
- Waxay ina bartay in qofka guusha gaadh yahay kan sabirka iyo dulqaadka bada
- Haddii Biyuhu hadlayaan waxay ku odhan lahaayeen kuwo badan qalbiga maydha jidhka intaanad maydhin.
- Waxay ina bartay in tijaabada badan iyo quusta farqi weyn u dhexeeyo.
- Waxay ina bartay in markaad qoslayso dunida kula qoslayso, laakiin marka oohinta kulama ooyaan.
- Waxay noloshu ina bartay in hubka ugu weyn ee qofku yahay sabirka iyo wakhtiga.
- Waxay ina bartay in qofku jabay marka uu joojiyo dadaalkiisa
- “Weligaa haku daalin waxa ku dhaafay si aan u murugoon, hana ka baqan mustaqbalka si aanad u fashilmin, iska dhaafa werwerka, farax oo Allah (sw) talo saaro waad guulaysane.”
- Saxaabiga Abuhurayra (rc) wuxu yidhi “ Waxa jira saddex arrimood oo lagu badbaado iyo saddex kale oo lagu halaagsamo.
- Allah (sw) oo laga cabsado, wanaagga oo aad ka shaqayso iyo inaad noqoto ruux caadil ah waa saddex lagu badbaado.
- Saddexda halaaga ahina waa hawadaada oo raacdo, naftaada oo ku yaab gelisa , iyo bakhaylnimida.