Madaxwayne Ku-xigeenka JSL oo Xadhiga Ka Jaray IBS Bank oo Xarun Ka Furtay Hargaysa

0
290

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa xadhiga ka jaray baanka caalamiga ah ee IBS Bank oo qayb cusub ka furtay magaaladda Hargaysa.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay daah-furka IBS Banka qaybtiisa Somaliland waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, xildhibaano, agaasimeyaal guud, maamulaj sare iyo shaqaalaha IBS Bank.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Ganacsato, Culimo, Waxgarad, Dhalinyaro, Haween iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Baanka IBS oo ka mida baananka gaarka loo leeyahay ayaa hore uga hawl geli jiray wadamadda Somaliland la jaarka ah, isagoo na muddo sanad ku dhaw ka shaqaynayay gudaha Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo si rasmiya u daah-furay baanka IBS qaybtiisa Hargaysa, ayaa ku bogaadiyay ganacsatadda dalka keentay Baanka IBS Bank.

Isagoona u rejeeyay inuu noqdo mid wax badan ka tari doona baahiyaha ay bulshadeenu u qabaan helitaanka baanan kala duwan.

C/raxmaan Saylici, waxa uu sheegay in ay ka xukuumad ahaan gacmo furan ku soo dhawaynayaan cid kasta oo Somaliland Maalgashanaysa, haddii ay tahay ganacsatadda wadanka, iyo kuwa dalala shisheeyaha ka imanaya ba.

“Waxaanu ku faraxsan nahay anagu ka xukuumad ahaan, cid kasta oo Somaliland maalgashanaysa, IBS na waxaanu leenahay soo dhawaada. Ama ha ahaato dalalka inala jaarka ah, ama ha ahaato dadka ganacsatadda ah ee gudaha wadanka ku nool, ama ha ahaato qaramadda kale ee caalamka ee inoo imanaya.

Sababtoo ah qof kastoo wadanka maalgeliyaa waxa uu qayb ka qaadanayaa horumarka Somaliland, waxaanu shaqo u abuurayaa dhalinyaradds Somaliland ku nool, oo 70% kor u dhaafaya” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka JSL.

Guddoomiyaha IBS Bank qaybta Somaliland Cabdikariin Xaaji Muuse (Muruq-liqe), oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in hormood u noqonayaan sidii Baananka Somaliland ka hawl galaa ay u wada shaqayn lahaayeen.

C/kariin Muruq-liqe, waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay u aasaaseen baankani in ay ka mid tahay in ay shaqo abuur u samayeen dhalinyaradeena jaamacadaha ka baxday.

Waxaanu yidhi “Waxaanu balan qaadaynaa in aanu ku dedaalno sidii ay baananku wada shaqayn lahaayeen. IBS Bank, waa baan caalami ah oo la wada leeyahay, muddo sanad ah ayuuna dalka ka shaqaynayay. Wuxuu hore uga soo shaqaynayay wadamadda jaarka inala ah.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu u aasaasnay waxaa ka mida in aanu shaqo abuur u samayno dhalinyaradeena jaamacadaha ka baxday”.

“Waxaanu balan qaadaynaa in aanu hormood ka noqono sidii baananka wadanka ku yaallaa ay u wada shaqayn lahaayeen, oo Jeegga uu qoro IBS waa in dhamaanba baananka kale ee dalka ka hawla lagaga qaadan karro lacagta” ayuu yidhi guddoomiyaha IBS Banka ee Somaliland.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali C/laahi Daahir, oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay balan qaadka IBS bank ee ah in ay isku xidhaan baananka dalka ka shaqeeya.

“IBS Bank waxanu ku bogaadinaynaa inay u diyaar yihiin isku xidhka Bangiyada dalka ka shaqeeya” ayuu yidhi guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL.

Sidoo kale waxaa isna halkaa hadal ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka IBS Banka Somaliland C/rasaaq Cali Warsame, waxaanu sheegay in ay ka qayb qaadanayaan horumarka dalka, isla markaana ay maalgelinayaan wax soo saarka wadanka.

“Waxaanu ka qayb qaadanaynaa hormarka Somaliland. Waxaanu soo kordhinaynaa Maalgalinta wax soo saarka dalka” ayuu yidhi C/kariin Cali Warsame.

Waxa kaloo isna madashaasi hadal ka jeediyay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid, oo soo dhaweeyay furitaanka IBS bank ee Hargaysa.

Waxaanu yidhuli, “Waa inaynu ku tartanaa addeegyadda iyo waxqabadka, si bulshadu uga faa’iidaysato. IBS Bank waan ku amanayaa inay keeneen addeegyo casri ah oo ay bulshadu u baahan tahay”

 

 

 

Leave a Reply