Qaado Masuuliyadda Ficilkaaga Oo Baro Casharo Adag !

0
241

Afar arday oo jaamacadda  dhiganaya ayaa habeenkoodii ku soo qaatay damaashaad iyo madadaalo, isla markaana aan u diyaar garoobin imtixaankii loo ballamay subaxnimad berri.. Sida awgeed aroornimadii waxa ay dejiyeen qorshe xirfadaysan oo imtixaanka in dib loogu dhigo loogu ogolaado.

Waxa ay isku soo dhamuuqeen dhoobo, waxaana ay si toos ah ugu tageen hormoodkii kuliyada ay dhiganayeen, iyagoo u sheegay in ay shalay aroos u bexeen. Isla markii ay soo laabanayeena uu  mid ka mid ah taayarada gaadhiga ay wateen uu qarxay

Iyadoo taasina ku khasabtay in ay soo riixaan baabuurka oo muddo badan iyo dariiq dheer qaadatay, taasi oo sabab u ah in imtixaanka ay dib uga dhacaan isla markaan aanay fasalka geli karayn iyagoo sidan u wasakhaysan. Iyadoo aanay jirin boos ku haboon oo ay fadhiistaan.

Hormoodka  ayaa fikiray dhowr daqiiqo, ka dib wuxuu u sheegay inuu imtixaankooda dib u dhigi doono saddex maalmood, oo ay ka dib fadhiisan doonaan. Afartii arday ayaa aad u farxay waana ay mahadceliyeen, waxaana ay u ballan qaadeen in ay si wanaagsan ugu diyaar garoobi doonaan imtixaanka.

Maalintii loo balamay imtaxaanka waxa afartii arday ay yimaadeen hoolkii imtixaanka lagu geliyay.  Hormoodka kuliiyadda ayaa u sheegay in xaalado gaar ah awgeed uu arday kasta ku geliyo fasal gaar ah Midkoodna ma diidin ra’yiga hormoodka, maxaa yeelay si wanaagsan ayay ugu soo  diyaar garoobeen imtixaanka. Markii arday kasta fasal gaar ah la geeyay ayaa loo dhiibay warqaddii imtixaanka. .

Imtixaanku waxa uu ka koobnaa laba su’aalood oo keliya:

o Su’aasha koowaad: waa maxay magacaagu? (1 derejo)

o Su’aasha labaad: Waa kee taayirka baabuur ee qarxay maalintii aad arooska tagteen ? (99 derejo).

Labada su’aalood ayuu 100 derejo ee imtixaanku uu ka koobna.

Faa’idada qisadan waa: Hadday beentu wax badbaadiso, runta iyo daacadnimaduna way badbaadiyaan. Beentii ay maalinta ku fakadeen, waa ay ka daba timi oo burburisay imtaaxkooda. Waayo ma jirin gaadhi ka banjaray. Sida awgeed ma garanayaan su’aasha taayirka ee derejda badana sida jawaabteeda.

Qaado mas’uuliyadda ficilkaaga iyo erayadaada, haddii kale waxaad baran doontaa cashar adag oo noloshu ku barto.

 

 

 

Leave a Reply