Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Canada oo Shahaado Ku Maamuusay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ee Canada

0
188

Otowwa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Dalka canada ayaa shahaado sharaf ay ku aqoonsadeen Jaaliyadda Somaliland ee Wadanka Canada gaar ahaan Magaalada Otowwa guddoonsiiyay Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee dalka Canada Layla Nuur.

Guddoomiyaha xisbiga kulmiye ee dalka Canada Layla Nuur ayaa waxa sheegtay in Xildhibaan Arnold Viersen iyo Xildhibaan Garenett Genuis oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Canada ay shahaado sharafta ku guddoonsiiyay sida ay iskugu xidhay Jaaliyadda Somaliland ee Canada,isla,markaana wax ka tarayso sidii Xidhiidh u wada yeelan la haayeen Somaliland iyo Canada.

Layla Nuur oo Arimahaasi ka hadlaysayna Waxa ay tidhi “Waxa ay igu qaabileen Baarlamaanka Canada oo ay ugu guddoonsiiyeen shahaado sharaf,markay arkeen in aan isku xidhay Jaaliyadda Somaliland ee Kanada oo ay ogaadeen in Somaliland yahay dal jira.waxa aynu raadinaynaa waa Ictiraaf,waxaana aan jecelahay in Canada noqoto dalka ugu horeeya ee Somaliland aqoonsada. labada Xildhibaan ee shahaado sharafta na guddoonsiiyay ee Xildhibaan Arnold Viersen iyo Xildhibaan Garenett Genuis oo ka tirsan Baarlamaanka Canada.waxa ay markasta garab taaganyihiin Jaaliyadda Somaliland ee dagan Magaalada Otowwa,waxaana ay qaabilaaan marka madaxda Somaliland noo timaado. waxaana aan doonayaa in Somaliland iyo Canada xidhiidh wada yeeshaan,waxa aan ugu baaqayaa Jaaliyadda Somaliland ee dalka Canada gaar ahaan Magaalada Otowwa in nala shaqeeyaan oona garabistaagaan,”.

 

 

 

Leave a Reply