Dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda ayaa noqotay mawduuca ugu weyn ee ay sanadahan danbe hadal hayntiisa iyo shirarka la xidhiidhaa ba si guud u wada saameeyeen wadamadda caalamka oo dhan.
Waxaana si cad u muuqata in dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda in ay tahay arrin si buuxda u wada taabatay guud ahaanba dalalka caalamka, gaar ahaana wadamadda loo yaqaano dunida saddexaad ama uu dhaqaalahoodu hooseeyo.
Si wax looga qabto dhibaatadan ka dhalatay saamaynta xun ee ay keentay isbedelka cimiladu ayaa wadamadda iyagu ka horumaray dhinaca wershadaha oo ah kuwa Qiiqa wasakheeyay ku sii daaya Hawadda in ay shirar caalami ah qabtaan.
Shirarkaasi oo ay u jeedadoodu tahay bal in xal loo hello mushkiladan ka dhalatay isbedelka cimiladda, taasoo si gaara dhibaatadeedu u taabatay wadamadda soo koraya ama kuwa loo yaqaano dunidda saddexaad.
Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaan shir dhawaan ka furmay jaamacadda Kenyatta, ee magaaladda Nairobi, ee dalka Kenya, dugsiga xagaaga ee u dhaq-dhaqaaqida Cadaalada Isbedelka Cimilada.
Waxaana shirkaasi ka qayb galay dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka shaqeeya ama u dhaq-dhaqaaqa wax ka qabashadda arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda. Kaasoo ah hindise ay hormood ka tahay is-baahaysiga u dhaq-dhaqaaqa isbedelka cimiladda ee Pan African Alliance, isla markaana wada shaqayn la leh jaamacadda Kenyatta, ee magaaladda Nairobi, ee dalka Kenya.
Dugsigan Xagaagga u dhaq-dhaqaaqida isbedelka cimiladda waxaa loogu tallo galay inuu fursad siiyo ururadda, iyo dhalinyaradda u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda, si ay u wadaagaan waayo aragnimadoodda la xidhiidha arrintaasi.
Iyadoona qorshuhu yahay in dhalinyaradaasi lagu qalabeeyo waxyaabaha ay uga baahan yihiin arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda ee ay ka shaqeeyaan. Shirka sanadkan waxaa ka qayb galay dad lagu qiyaasay 500 oo ruux, oo ka kala socday dalal badan oo caalamka ah.
Dhalinyaradda reer Somaliland ee shirka sanadkan ka qayb qalay shirkaasi waxaa ka mid ah Maxamed C/laahi Yuusuf, oo ka mida dhalinyaradda reer Somaliland ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda.
Shirkaasi iyo u jeedadiisa iyo arrimihii sanadkan lagaga hadlay ayaa Maxamed C/laahi Yuusuf, isagoo ku sugan madasha shirkaasi ka socday waxa uu uga waramay weriye C/casiis Caydiid Cilmi (Yemeni), oo isaga laftiisu si gaara uga warama arrimaha deegaanka.
Waxaanu yidhi “Barnaamijkan u jeedadiisu waxay tahay, oo aasaasay ururka la yidhaahdo Pan African Alliance, oo ugu tallo galay dhalinyarada kala duwan ee Afrika, inuu ku qalabeeyo arrimaha aqoonta isbedelka cimiladda, iyo hanaanka loogu dhaq-dhaqaaqi karro.
Taasoo u jeedadda laga leeyahay ay tahay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya dhalinyarta Afrika, ee arrimaha deegaanka u ololeeya, ee dhamaantood ba ka shaqeeya dal kastoo Afrika ka mid ah”.
Shirkan dugsiga xagaaga Nairobi, ee cadaaladda cimilada (Nairobi Summer School on Climate Justice) ayaa noqonaya kii saddexaad, waxaana sanadkan ka soo qayb galay 73 wadan. Waxaanu shirkaasi socon doonaa muddo 12 maalmood ah oo ka soo bilaabantay 3-dii bishan July, oo uu furmay isagoona socon doona ilaa 15-ka isla bishan July, ee sanadkan 2023-ka.
Sida mar kale sharaxayo Maxamed C/laahi Yuusuf, “Sanadkani waa kii saddexaad ee barnaamijkan la qabto. Waxaana sanadkan ka soo qayb galay dad gaadhaya ilaa 500 oo qof, kuwaasoo in ka badan 300 oo ka mid ahi ay yihiin kuwo jaamacadda Kenyatta lafteedda kaga qayb gelaya, iyo qaar qaabka fogaan arraga kaga qayb galay.
U jeedadu na waxa weeye in dhalinyarada Afrika lagu qalabeeyo aqoonta ay uga baahan yihiin arrimaha deegaanka, kadib na ay helaan hanaanka ay dalalkoodda kula noqdaan aqoonta ay heleen, sidii ay dalalkoodda uga fulin lahaayeen. Sidoo kalena waxaa loogu tallo galay in dhalinyartaa laftoodu ay xidhiidh yeeshaan, aqoontaa na ay kala faa’iidaystaan”ayuu yidhi Maxamed C/laahi Yuusuf.
Hadaba muxuu barnaamijkani ka saacidi karaa dhalinyaradda u dhaq dhaqaaqa arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee shirkan ka qayb galay, waxaa mar kale arrintaasi sharaxaya Maxamed C/laahi Yuusuf. Waxaanu yidhi “Marka koowaad waxaa lagu qalabaynayaa xirfadii uu ku fahmi karayay inuu bulshadiisa u shaqeeyo, sidoo kalena uu kaga qayb noqdo dhaq dhaqaaqyadda jira ee cadaalad u helida isbedelka cimiladda”.
Geesta kale mudadda uu shirkani socdo waxaa laga dhex ururinayaa xog, iyo cilmi baadhis, taasoo la isku waydiinayo hanaanka loo hawlahani ma yihiin kuwii ugu haboonaa, isla markaana ka turjumaya dhibaatooyinka dalalka Afrika haysta.
Waxaanu qorshuhu yahay in arrimaha ka soo baxa cilmi baadhistani in ay qayb ka noqdaan dhaq dhaqaaqyadda ay dhamaanba dalalka Afrika ka midaysan yihiin ee arrimaha cadaalad u helida isbedelka cimiladda. Taasoo lagu soo bandhigi doono shirka isbedelka cimiladda ee sanadkan 2023-ka ka dhici doona dalka Imaaraadka Carrabta ee Cope28.
Sida uu mar kale sheegay Maxamed C/laahi Yuusuf, oo shirkaasi ku metelayay Somaliland waxaanu yidhi “Sidoo kale shirkan cilmi baadhis ayaa ku jirta, oo qolada barnaamijka wadda ee Pan African Alliance, waxay wadaan dhaq-dhaqaaqyadda cadaalad u helida ee isbedelka cimiladda Afrika.
Waxaana la is waydiinayaa hanaankan aynu u wadnaa ma yahay, kii ugu haboonaa? Inagoo ka turjumayna dhibaatooyinka dalalkeena haysta? Taasi waxay markaa keenaysaa in shirka isbedelka cimiladda ee soo socda, ee sanadkan 2023-ka ee Cope 28 ee lagu qabanayo dalka Imaaraadka Carrabta, in arrimaha ka soo baxa cilmi baadhistani in ay qayb ka noqdaan dhaq dhaqaaqyadii dhamaanba dalalka Afrika ay ka midaysan yihiin, ee arrimaha cadaalad u helida isbedelka cimiladda”.
Dhinaca kale Maxamed C/laahi Yuusuf, oo shirkan ku metelayay Somaliland ayaa ka mida dhalinyaradda u dhaq-dhaqaaqa ama ka shaqeeya arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda. Waxaanu Maxamed, ka shaqeeya ama xubin ka yahay ururka loo yaqaano Geed Beer, Rejo beer, kaasoo meello badan oo Somaliland ka mida ka hirgeliyay barnaamijyo dhir beeriseed.