Xildhibaan Cali Qaran oo ku Biiray Xisbiga KULMIYE kana Baxay UCID

0
178

Burco(Dawan)Xildhibaan Cali Jaamac  Carraale  Cali  qaran oo ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ku biiray xisbiga Kulmiye kana baxay  Xisbiga UCID.

Xildhibaan Cali Jaamac  Caraale  oo qaar ka mida Warbaahinta kula hadlay Magaalada Burco ayaa waxa uu sheegay in uu door biday  in  uu ka mid noqdo  Xisbiga Kulmiye,

Xildhibaanka oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Maadaama  oo  lagu  jiro  lixdii   bilood Xildhibaan kastaa Xisbigu  doono ku biirayo,  Xildhibaanadii   naga midi xisbiyo  kale   ku biireen.waxa aan door  biday in aan ka mid noqdo Xildhibaanadii  Xisbiga Kulmiye ku soo  biiray,”.

Xildhibaan Cali qaran oo hadal kiisa sii Wataa.Waxa uu yidhi”Xisbiga UCID waan ka soo baxay cod ayaan la tagay hadiyad  may ahan,anigaa codkayga la tagay  kana soo baxay imika Xisbiga Kulmiye ayaan ka mid ahay.aniga ayaana door biday  in aan ku soo biiro Xisbiga  Kulmiye,Dastuurka ayaa siinaya in labo  jeer  tartamo Madaxweynuhu hadii isku soo sharaxana  waa  wax sharcigu siinayo,”.

 

Leave a Reply