Waaxyayn: Xarunta Barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo Culuunta Shareecada Islaamka

0
202

Hargeysa (Dawan) – Maamulaha guud ee Markiska Waaxyayn ee Barashada Qur’aanka Kariimka iyo culuunta shareecada Islaamka oo ka kooban dugsi hoose dhexe iyo sare Sheekh Axmed Cabdilaahi Aadan(shacbaan)ayaa ka war bixiyay adeegyada Waxbarasho ee diiniga ah ee ay ardayda baraan iyo qaybaha ay u kala Baxdo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay sida barashad Qur’aanka kariimka ah iyo shareecada Islaamka oo aqoon wayn loo yeeshaa ay wax wayn uga tarayso hab dhaqanka bulshada isla markaana busho diintooda aqoon u lihi ay u noqonayso bulsho ama umad dhanka wanaagsan u socota.

Waxaa kale oo uu Sheekh Shacbaan iftiimiyay siday waxrabasho diini ah oo lacag la,aan ah u siiyaan ardayda qoysaskoodu aanay awoodin in ay iska bixiyaan lagacta ubadkoodu wax ku baran lahaayeen.

Waxaa kale oo uu xusay siday awoodda u saareen in ay soo saaraan hablo iyo hooyooyin Xambaarsan Kitaabka ALLE.

Markasta oo ay umada usoo baxaan hooyooyin aqoon u leh Diinteenna suubban waxay soo saarayaan ubad ku tarbiyadaysan dhaqanka suubban ee Islaamka

Markiska Waaxyayn ayaa awoodda saaray in uu waxbarashada Diiniga ah ee uu bulshada ugu adeego in yoolkooda koobaad ay ka dhigtaan wax barista haweenka.

Waxaana sannnad dugsiyeedkan ka qalin jebinaya arday badan oo ay ku jiraan hooyooyon iyo ayeeyooyin dhammeeyay Qur,aanka kariimka ah.

Sheekh Shacbaan oo waraysi kooban siiyay Wargeyska Dawan oo ka haflayay Markiska Waaxyayn iyo culuunta waxbarasho ee ay ardayda u dhigaan iyo qaybaha ay u kala baxdo.

Waxaanu yidhi.Markisku waxa uu u qaybsan yahay laba qaybood qaybta Qur’aanka oo runtii qayb madax banaan ah, laga bilaabo Higaada ilaa xidigiisa, ilaa sixitiisa, ilaa akhrintiisa todobad ah, intaa way socdaan ardaydu macalimiin kala duwana waa leeyihiin.

Qaybta Shareecada oo ardaygu marka uu Qur’aanka dhammeeyo uu u soo wareego ama Qur’aanka wax wanaagsan ka hayo la keeno isna waxa uu u qaybsan yahay qaybta dugsiga hoose, qaybta dugsiga dhexe ilaa qaybta dugsiga sare, waxaanu lahayn kaliya qayb Jaamacaddeed, dhammaan waxa uu ku baxaa Afka Carabiga, shareecada qaybaheedii kala duwanaa haday Fiqi tahay haday Xadiis tahay haday Caqiido tahay haddii ay siiro tahay iyo haddii ay tahay tafsiirkii kale ee Qur’aanka Kariimka dhammaan waa dhigtaan, qaybahaa waxa u raaca sanadada u danbeeyay waxaanu siinaa Maado Ingiriisi ah iyo Maando Koombuyuutar ah, sanadkan waxaanu ku daraynaa maado xisaab ah ay ardaydu u baahan yihiin madaama ay dhiganayaan cilimiga faraa’idka iyo arrimaha dhaxalka.”

Sheekhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray “Ardaygu guud ahaa waa arday dalka gudihiisa ka wada timi , waxay u qaybaan yihiin qayb tabarucaad ah oo dadkeenii jilicsanaa ah oo gaadhay ilaa sadex boqol iyo todobaatan arday ayaa bilaash ah inta kalena waxa ay isugu jiraan qaar badh laga qaado iyo qaar laga wada qaado, laakiin waxaanay ka maarmin dad muxsiniin ah oo runtii ka war haya oo aanu u bandhigno ayaa jira, sidoo kale waxaa jira arday xer ah oo dalka Ethiopia ka yimaada oo u yimaada inay Qur’aanka bartaan oo iyaga qudhooda aan waxba laga qaadin oo aanu si gaar ah u hayno.

Markisku waxa uu leeyahay Masaajid wayn oo ardaydu ku tukadaan iyo Maktabadii akhriska, waanu dhammays tiran yahay arday badana waa ka qalin jabiyeen qaybta Qur’aanka iyo qaybta Shareecadaba.”

Sheekh Shacbaan waxa uu sheegay in waxbarashada dadka waa weyn ay bixiyaan waxaanu yidhi. “Waxa kale oo dhigta dad waawayn oo ka kooban rag iyo dumar ba ragusa waxa ay u badan yihiin wax dhigashada habeenkii, rag waawayn oo waayeel ah oo aabayaal iyo awoow ba ah, laakiin dumarka ayaa kaalin wayn ku jira galinka horena qay yimaadaan galinka danbena way yimaadaan, hooyooyin badan baayimaada iyo ayeeyooyin sanad aanay ka qalin jabin ma jirto hadda sanadkan waxa ka qalin jabinaya oo xaflada qalin jabinta xaadiraya ayeeyooyin dhawr ah oo ilaa shan gaadhay kuwaasi oo dhamaystay waxbarashadii markiska una gudbi doona jaamacadaha.

Dumarkii iska fadhiyi jiray ee marka ay Casarkii hawlaha dhammeeyaan meelahaa ku sheekayn jiray waxay u noqotay wakhti buuxis waxay u noqotay diin barasho, waxay u noqotay ajar iyo wanaag, markaa kuwa kale ee aan ka faa,iidaysan ha ka faa,iidaystaan xiligaasi waa xilo aanay waxba qabanin waa in ay diinta ILLAAHAY ku mashquulaan oo jahliga iska qaadaan oo ay aqoontooda dhisaan aad bay ugu baahan yihiin runtii, hadday dumarku inoo hagaagaana noloshu way inoo hagaagaysaa waa gud-dhigii nolosha, waxana layaab leh Markiska iyagaa u ah Aqlabiyad ku dhawaad boqolkiiba shan iyo lixdan ayaa ah dumar inta soo hadhay ayaa ah rag”

 

 

 

Leave a Reply