Ciidanka Dabdamiska Burco oo ku Guulaystay Daminta Dab Suuqa ka Kacay

0
205

 

Burco( Dawan):- Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa damiyay abaaro 3:00 habeenimo ee habeen hore dab ka kacay Badhtamaha Suuqa weyn ee Burco, kaasi oo ahaa Shoodh Laydh.

Ciidanka Dab-demiska ayaa isla markiiba goobtaa gaadhay , waxaana ciidamadu iyagoo adeegsanaya qalabka dabdeminta dabkaa ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay.

Dhanka kale ciidamada ayaa dabkaa ka xakameeyay Meherado waaweyn oo goobtaa ku yaalay iyo guud ahaan suuqa intiisa kale.

Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay waxaa dhankooda iyaguna goobjoog ahaa Ciidanka Booliska magaalada Burco oo si fiican ula shaqeeyay ciidamada Dabdemiska.

Ugu dambayn ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan shirkadaha Korontada in ay ka taxadaraan halista xadhkaha laydhka iyo guud ahaan korontada, Isla markaana dibuhabayn ku sameeyaan xadhkaha keeni kara khatar, kuwaasi oo dhex mara dhirta ama u dhaw goobo ganacsi.

 

 

 

 

Leave a Reply