Ragga Xamar ee Laascanood Yimi Waxba Ka Beddeli Maayaan Xuduudaha Somaliland” Gudd UCID

0
112

Riwaayadda Huwantu Waxay Dhawaan Isu Rogi Doontaa Ilmo iyo Riyo” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

 

 

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in xubno wefti isku sheegaya oo Muqdisho ka yimaadaa aanu waxba ka bedeli karin xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana Ciidanka Qaranku gaadhi doono xuduudahiisa mustaqbalka dhow.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabed oo farriin ku baahiyey bartiisa Twitter Jimcahii shalay ayaa ku sheegay in guulaha kooxaha huwantu sheeganyaan ay xaqiiqdii guuldaro ku dambayn doonaan, waxaanu yidhi,

“Wefdiga Xamar ee Laascaanood yimi, waxba kama bedeli doonaan xuduudaha Somaliland. Riwaayaddii iyo raynrayntu waxay dhawaan isu rogi doontaa ilmo iyo riyo.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal ayaa hadalkiisa raaciyey, “Somaliland waxay dhawaan dalka ka saari doontaa huwana iyo duullaanka wuxuushnimada ah ee Laascaanood ku soo duulay.”

Hadalka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabee ayaa ku soo beegmaya xilli oo dhowaan sheegay inaanay xaqiiq ahayn sheegayashada kooxaha huwanta ee Sanaag, Sool iyo Cayn (SSC), isla markaana Somaliland gudaheeda aanay waxaasi ka jirin. Waxaanu yidhi “Sanaag, Sool iyo Cayn maaha wax ka jira Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

 

Leave a Reply