Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo ku Daba Jirta Dad Baraha Bulshada Ka Abuuraya Nacayb Bulsho

0
183

Hargaysa (Dawa) Hay’adda sirdoonka Somaliland ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano NIA, ayaa sheegtay in ay ku daba jiraan dad baraha bulshada ka abuuraya nacayb Bulshada Somaliland dhexdeeda ah, kuwaasi oo ku kala fogaynaya bulshada walaalaha ah ee reer Somailand iyaga oo adeegsanaya Baraha Bulshada kana faa,iidaysanay hadba xaaladaha markaasi taagan oo ay u dhex marayaan shacabka dareenkooda.

War qoraal ah oo ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku ku baahisay degalkeedka Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in ay ku daba taagan tahay dad ka dhex wada baraha bulshada isku dir iyo kala fogayn shacabka reer Somaliland ah, qoraalka ayaa u dhigaan sida tan:-

“Hay’adda Sirdoonka Qaranka laanteeda amniga dhinaca Internet-ka ayaa si weyn isha ugu haysa boggaga baraha bulshada ee lagu daabaco fariimaha xag-jirnimada ah ee bulshada ka dhex abuuraya nacaybka.

#NIA waxay cadaaladda horkeeni doontaa dadka maamula mareegahaas bulshada iska hor keenaya.”

Baraha bulshada ayaa inta badan ka qayb qaata hurinta xaaladaha dalka ka jira iyaga oo bulshada qaar uga faa’iidaystaan hab aan haboonayn iyaga oo ku jihaynaya bulshada jid aan loo baahnayan.