Qaabkii uu Markabka Isra’iil uga Badbaaday Afduubka Koox Hubeysan

0
142

Koox hubeysan oo Mareykanku ku tilmaamay inay yihiin budhcad ayaa weeraray markab lala xidhiidhinayo Israel, oo marayay meel ku dhow xeebaha badda cas. Weerarkaas oo dhacay Axadii ayay hada kasoo baxday faahfaahin dheeraad ah, oo aan horay loo haynin.

Markabka oo ah mid xamuul ah oo la la xidhiidhinaya Israa’iil ayaa watay calanka Liberia. Shan nin oo hubeysan oo lagu sheegay budhcad badeed ayaa weeraray iyaga oo isku dayaya inay qafaashaan, sida ay sheegeen ciidamada Mareykanku.

Maraykanka ayaa markii hore ku eedeeyay afduubkan inay ka dambeeyaan dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen, kuwaas oo xidhiidh xoogan oo wada shaqeyn la leh Iran. Horey dhowr jeer ayay markab ugu afduubteen falal noocaan ah oo kale.

Sidee ayuu u dhacay weerarka Markabka lagu qaaday?

Raga hubeeysan oo gaadhayay ilaa shan nin oo wata dooni nooca dheeraysa ah ayaa weeraray Markabka oo marayay meel aan sidaa ugu fogayn biyaha badda cas. Shaqaalaha markabka ayaa codsi u diray maraakiibta ciidamada Mareeykanka kadib markii ay raggan hubeeysan weerarka ku qaadeen isla markaana ay soo fuleen markabka. Ciidamada Badda Mareykanka oo isla markiiba soo gaadhay ayaa fashiliyay weerraka lagu doonayay in lagu qabsado markabka oo lagu magacaabo Central Park, sida ay shaacisay dowladda Mareeykanka.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shanta nin ee weerarka ku qaaday markabka. Waxaa la qabtay xilli ay isku dayayeen inay ku baxsadaan doon nooca dheereeya ah, laakiin markabka dagaalka Mareykanka ee Mason oo ku sugnaa meel u dhow halka weerarka uu ka dhacay ayaa qabtay raggaas. Afhayeenka u hadlay wasaarrada gaashandhiga Mareeykanka ee Pentagon Sareeye Guuto Patrick Ryder ayaa xusay inay wali jirto suurtagalnimada ah in Xuutiyiinta ay kaalin ku lahaayeen iskudayda afduub iyo weerarka lagu qaaday markabka.

“Waan sii wadi doonaa qiimeynta, laakiin calaamadaha bilowga ah ee aanu hayno, waxayna muujinayaan in shantaan qof ay yihiin Soomaali,” ayuu yidhi Afhayeenka u hadlay wasaarrada gaashaandhiga Mareykanka. Afhayeenka waxa uu ku tilmaamay weerarka in uu yahay mid budhcad-badeednimo. Saraakiil ka tirsan dowladda Mareeeykanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in Markabka iyo shaqaalihii saarna ay dhamaan badqaaban oo ay ku sugan yihiin goob amaan ah. Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in labo gantaal oo Balaastik ah markii dambe laga soo riday dhulka Xuutiyiinta ay maamulaan ee jihooyinka maraakiibta.

Maxaa laga yaqaan ‘markabka Isra’iil’ ee la weeraray?

Markabkan oo sitay calanka Liberia ayaa waxaa maamusha shirkada badeecadaha qaada oo fadhigeedu yahay Magaaladda London ee dalka Ingiriiska. Shirkadaas waxaa leh qoys Israa’iiliyiin ah oo ganacsato ah. Waxaa naaquude ka ah markabka nin u dhashay Turkiga.

Shirkada Zodiac ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay markabka saarnaayeen 22 shaqaale oo u kala dhashay Ruushka, Fiitnaam, Bulgaariya, Hindiya, Joorjiya iyo Filibiin. Dowladda Turkiga oo uu dhashay naakhuudaha markabka waday ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la waayay xidhiidhka markabka xili uu marayay xeebaha Yamen. Weerarkan ayaa lagu sheegay in uu yahay kii saddexaad oo lagu qaado markab maraya meel u dhow xeebaha Yaman muddo labo toddobaad gudahood ah.

Kooxda hubeysan ee ee Xuutiyiinta ee ay Iraan taageerto ayaa weeraro is-daba-joog ah ku qaadeysay maraakiibta gacanka Cadan. Waxaa weeraradaas kor dhay la la xidhiidhinayaa dagaalka u dhexeeya Israil iyo Xamaas. Waxaa jiray weeraro xidhiidh ah oo ka dhacay biyaha bariga dhexe tan iyo markii uu dagaal dhex maray Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas.