Wasaaradda Beeraha oo Saddex Gobol ka Wadda Hawl-galka La-dagaalanka Ayaxa

0
71

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa hawl-galisay hawl-wadeennada waaxda Badbaadada Beeraha, si loola dagalaamo Ayax ka dilaacay Xeebaha dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Maxamed Habbane, Wasiir ku-xigeenka Maxamuud Warsame Jaamac, agaasimaha guud Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse iyo Madaxda kale ee Wasaaradda oo ka duulaya waajibaadkooda Qaran, ayaa si buuxda u hawl-galiyey Waaxda Badbaadada Beeraha, kuwaaasi oo u carbisan la dagaalanka Ayaxa iyo guud ahaan xasharaadka waxyeeleeya Beeraha, waxayna gobollada Selel, Awdal iyo Saaxil u kala direen illaa 5 Kooxood oo ku qalabaysan gaadiidka lagu buufiyo Ayaxa iyo xasharaadka ka kale.

 

Kooxahan, ayaa ka hor-tagaya Ayax faro-badan oo ka dillaacay Xeebaha Somaliland ee Awdal, Saaxil iyo Selel, isla-markaana xilligan ku fidiya dhul-beereedka.

 

Ayaxa oo maraya derajada loo yaqaano KORONKORTA, ayaa ka soo siqaya dhinaca Xeebta, waxaanu u jihaysan yahay dhulka ay Beeruhu ku yaallaan, laakiin kooxaha ka socda Wasaaradda Beeraha JSL, ayaa wada dedaal ay kaga hor-tagayaan, iyagoo adeegsanaya gaadiidka xambaarsan qalabka buufinta, Bamka dhabarka lagu qaato iyo qalab kale, si ay u yarayn karaan khasaaraha uu gaadhsiin karo wax-soo-saarka Beeraha

 

Shanta kooxood ee Wasaaraddu dirtay, ayaa isku qaybiyey Gobollada Awdal, Selel iyo Saaxil oo ah xudunta Ayaxan oo markii hore ka soo gudbay dhinaca dalka Yemen.

 

Kooxaha la-dagaalanka Ayaxa, ayaa hawl-galkooda barbar wada wacyi-gelin ay Beeralayda ugu sheegayaan, kuna barayaan sida ay uga hor-tagi karaan Ayuxu marka uu Beerahooda soo gaadho.