Wasiirka Qorshaynta oo Qaabilay Ku Xigeenka Madaxa Xafiiska Dawlada Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland

0
121

Hargaysa(Dawan) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka Madaxa xafiiska Dawladda Ingiriiska u qaablsan Somaliland ahna ku simaha madaxa xafiiska ee Hargeysa Mss Christina Toepell.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo xoojinlaha xidhiidhka iyo mashaariicda dhanka horumarka ee ay dawlada Ingiriisku ka wado gudaha Somaliland iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha labada dal.

Intii uu kulanku socday, Wasiirku waxaa uu uga mahadnaqay Dawladda Ingiriiska dedaalada humarineed ee ay ka wadaan wadanka, Sidoo kale wasiirku waxaa la wadaagay meelaha ay mudnaanta gaarka ah siinayaan oo ay tahay in diirada la saaro , sida Hirgelinta iyo fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad iyo helida xog sugan oo lagu go,aan qaato.

Mss Christina Toepell ayaa dhankeeda balan qaaday inay xoojin doonaan isla markaana ay dardar gelin doonaan sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha horumarka ee ay ka wadaan guud ahaan Somaliland, Sidoo kale, waxay wasiirka uga mahadnaqday xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya Wasaaradda Qorshaynta iyo Xafiiska iyada oo xustay inay si dhaw ugala shaqeeyaan Somaliland dhinaca horumarka iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed.

Kulankan oo ay wasiiirka ku wehelinayeen qaar kamida Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday is fahan labada dhinac ah, waxaana la isla qaatay in la xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinaca, si loo helo horumar labada dhina ah.