Gudoomiyaha Senate-ka Kenya Dalka oo Si Adag u Difaacay Ahmiyadda Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya

0
139

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Senate-ka Kenya Mudane Amason Kingi, ayaa meel adag iska taagay muhiimada ay leedahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.

Guddoomiye Amason Kingi oo Salaasadii la kulmay Danjiraha Somaliland u fadhiya Nairobi Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani), ayay warbaahinta Kenya aad u faallaysay, waxana warbixin ka qoray Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi, oo tilmaamay in Guddoomiyaha aqalka Senateka Kenya uu Wakiilka Somaliland ku sheegay โ€œSafiirโ€ iyadoo Xukuumadda Kenya aanay aqoonsanayn Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Senate-ka Kenya, wuxuu sheegay in dalkiisa iyo Somaliland ay ahaan jireen laba dal oo xidhiidhkoodu taariikhi yahay isla markaana xilligii gumaystaha uu wada xukumi jiray Ingiriisku.

โ€œWaxaanu ka wada hadalnay sidii aanu xidhiidh cusub u yeellan lahaayeen labada dawladood ee Somaliland iyo Kenya iyo Laamaha kale ee dawladda sida labada Baarlamaan,โ€ayuu Mudane Amason Kingi oo qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitterka ayay warbaahinta Kenya aad u baahisay.

Guddoomiyaha aqalka Senate-ku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, โ€œIskaashiga Somaliland iyo Kenya waxa uu ahaa mid tobanaankii sannadood ee la soo dhaafay la sii xoojinayey kaasi oo u dan ah labada shacab.โ€

Waxa kaloo uu caddeeyay inay Safiirka Somaliland ka wada hadleen kor u qaadista iskaashiga ganacsiga iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka labada shacab iyo baddeecadaha ganacsiga ee u kala gudbaya labada waddan.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa Iyana shaacisay in aanay aqoonsanayn Somaliland, waxana hadalkaasi ka keenay dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya oo qaylo dhaan joogto ah ka soo saarta iskaashiga Somaliland iyo Kenya.

Dawladda Kenya ayaa Cabdiweli Maxamed Xuseen bishii October ee sannadkan u soo magacowday qunsulka u fadhiyi doona Somaliland, iyadoo Somaliland-na ay muddo dheer Xafiis diblomaasiyadeed iyo ganacsi ku lahayd Nairobi.

ย