Somaliland iyo Kenya oo Kulan ka Yeeshay Iskaashiga labada Dal iyo Amniga Mandaqadda

0
201

Nairobi(Dawan)-Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Maxamed A. Maxamuud Barwaani iyo madaxda Safaaraddaas, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Senate-ka dalka Kenya Mudane Hon. Amason Kingi oo ay weheliyaan mudaneyaal ka tirsan golaha Senate-ka.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada dimuqraadiyadda, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo isku socodka dadka.

Waxa safiirka Somaliland hore kulamo midho dhal ah ula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Kenya Moses Wetangula, halkaas oo lagu meelmariyay laguna aasaasay Golaha Saaxiibbada Somaliland ee Baarlamaanka Kenya ama Somaliland-Kenya parliamentary Caucus.

Xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya ee dhinacyada dawladda, baarlamaanada iyo shacabka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn u soo xoogaysanayay.