Askarta Israa’iil oo Fal Muslimiinta ka Cadhaysiiyay ku Dhex Sameeyey Masaajid

0
134

Milateriga Israa’iil ayaa cambaareeyay hab dhaqanka qaar ka mid ah askartooda oo laga duubay muuqaallo xilli ay qaadayeen heesaha diintooda, iyaga oo ku sugan gudaha masaajid weyn oo lagu tukado, kaasoo ku yaalla magaalada Jenin ee dhulka la haysto falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed.

Waxa la arkayay iyaga oo saaran qaybta sare ee masaajidka ama halka imaamku istaago, isla markaana ku heesaya makaroofannada ay ku xidhan yihiin sameecadaha masaajidka. Dhacdadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray hawlgal ay ciidamadu ku baacsanayeen kooxaha ay Israa’iil ku tilmaamtay nabad-diidka ee magaalada, kaas oo ilaa iyo haatan sababay dhimashada 11 qof oo falastiiniyiin ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiinta.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in askarta “loo ciqaabi doono falka ay sameeyeen waliba sida ku habboon”. Waxaa kale oo ay sheegeen in ay tallaabo ka qaadi doonto kiisas noocaas oo kale ah oo ciidamadooda laga duubay inta ay ku sugnaayeen Qasa.

Muuqaalkan oo ku dhex wareegaya baraha bulshada ayaa muujinaya qeybaha kala duwan ee masjidka. Ninkii muuqaalka duubayay oo isna ahaa askari kale ayaa laftiisa la jaan qaadayay heesta, isagoo dhoolla cadeynaya. Qaybo ka mid ah muuqaalka oo laga arkayay guud ahaan dhismaha masaajidka ayaa muujinayay askar dhex taagan gudaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiiniyiinta ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay “aflagaadada iyo meel ka dhaca goobta cibaadada”. Bayaan ay soo saareen Khamiistii ayay ciidamada Israa’iil ku sheegeen in waxa ay askartu sameeyeen ay ka hor imanayaan hab-dhaqanka ciidamada Israa’iil ee xarumaha diinta.

“Dhaqanka askarta ka muuqda muuqaalka waa mid kulul oo gabi ahaanba ka soo horjeeda mabaadii’da ciidamada Israa’iil,” Ayey sii raaciyeen.

Dhacdooyinka ka dhacay Jenin ayaan ahayn markii ugu horreysay oo ay khalad sameeyaan ciidamada Israa’iil, waxaana laga soo duubay muuqaal kale, laguna baahiyay baraha bulshada goor aan sidaa u sii fogeyn. Tan iyo markii Israa’iil ay dagaalka ka billowday Qasa dabayaaqadii bishii Oktoobar, muuqaallo dhowr ah ayaa ka soo baxayay Qasa, oo uu ku jiro mid muujinaya askari ku garaacaya qof ganacsi yar heysta isla markaana iibiya alaabaha ay carruurtu ku ciyaarto, halka nin kale ee duubayay uu isaguna qoslayay.

Sidoo kale waxaa jiray muuqaal muujinaya ciidamada Israa’iil oo dab qabadsiinaya alaabo saarnaa gaari qaybtiisa dambe, iyo mid kale oo muujinaya sida dharka dumarka loogu baarayo guryaha dadka. Axadii, afhayeenka ciidamada Israa’iil, Admiral Daniel Hagari ayaa cambaareeyay hab dhaqanka noocaas ah ee ciidamada.

“Ciidanka Israa’iil waxa uu u shaqeeyaa si waafaqsan mabaadii’da ciidanka,” ayuu yidhi. “Askarta ku sugan goobta dagaalka waxaa looga baahan yahay inay muujiyaan xirfado shaqo oo ay raacaan sharciyada, mana ka caajisi doonaan arrintan. Wax kasta oo ay tahay. muuqaalladu maaha kuwo waafaqsan mabaadii’da Ciidamada Difaaca Israa’iil iyo awaamiirta la siiyey, waxaana la qaadi doonaa tillaabooyin edbin ah, tani waa siyaasadda Ciidamada Difaaca Israa’iil.”

Ciidamada IDF ayaa sheegay in guri guri ay u baarayeen xerada qaxootiga ee halkaasi ku taalla, ayna ka heleen tobanaan hub, walxaha qarxa, iyo godad dhulka hoostiisa lagu diyaariyay. Israa’iil waxay sheegtay in ay sidoo kale xabsiga dhigtay boqolaal tuhmane.

Duqeymaha xooggan ee ay ciidamada Israa’iil ku hayaan magaalooyinka falastiiniyiinta oo ay ku jiraan Qasa, Khan Younis, iyo Rafax oo ku yaalla koonfurta dalkaasi ayaa weli sii socota. Saraakiisha caafimaadka falastiiniyiinta ayaa sheegay in afar qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen guri ku yaala Khan Younis, iyadoo la sheegayo in dad kale oo Falastiiniyiin ah oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka Naasir ee magaalada.

Wakaaladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in duqeymo ay geysteen diyaaradaha Israa’iil ay sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad ku sugnaa Rafax. Mid ka mid ah weerarada ayaa la sheegay inuu ku dhacay guri ku dhow isbitaalka Kuwait ee magaalada.

Qiiq weyn oo madow ayaa ka muuqda koonfurta Qasa. Ilaa hadda lama oga sababta keentay qiiqaasi. Qaar badan oo dadka reer Qasa ah ayaa u qaxay dhanka Rafax ka dib markii Israa’iil ay ku boorrisay in ay isaga baxaan qaybo ka mid ah Khan Younis, halkaas oo boqollaal kun ay mar hore uga soo carareen waqooyiga Qasa dagaaladii ka horreeyay. Israa’iil ayaa aaminsan in hoggaamiyayaasha Xamaas ay ku dhuumaaleysanayaan koonfurta marinka Qasa.