Hay’adda Dekedaha oo ka Hadashay Saameynta Xiisadda Baduhu ku Yeelanayaan Somaliland

0
151

Hargeysa (Dawan) Maamulka sare ee hay’adda dekadda JSL iyo wakiillada Maraakiibta oo ku shiray xafiiska maareeyaha guud ee dekadda Somaliland,ayaa ka wada hadlay saamaynta xiisadda baddu  ku yeelanayso Somaliland .

Shirka ayaa mudadii uu socday waxa lagaga wada hadlay xaaladdaha ammaandarro ee ka soo kordhay Badda-cas iyo Marinka Baabul-mandab.

Sidoo kale waxa warkan ka soo baxay hay’adda dekaddaha Somaliland lagu sheegay in xaaladaha soo kordhay ay sababan in shirkado waa wayn oo   kuwa Koonteenarada qaada ahi ay hakiyaan shaqadoodii, gaar ahaan kuwa isticmaala Marinka Suways.

Gaba-gabadii waxa warkan lagu sheegay in saamaynta taban ee ay Qarankeenna ku yeelan doonta waxay noqonaysa in shirkadahaasi kordhiyaan noolka Koonteenarada ay ku soo qaadaan, maaddama oo shirkadaha caymisku ay kordhiyeen kharashka caymiska maraakiibta, khatarta soo korodhay darteed.