Madaxwaynaha Maraykanka oo Qalinka ku Duugay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Dalkiisa

0
196

Washington(Dawan)Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa qalinka ku duugay xeerka siyaasadda difaaca Maraykanka ee NDAA ee summaddiisu tahasy H.R 2670/2024,xeerkaas oo suurta gelinaya iskaashigii ugu waynaa ee dhex mara Somaliland iyo Maraykanka   ee Somaliland qayb ka tahay.

Xeerkan oo maaliyaddiisu gaadhayso $886 bilyan ayaa ah xeerkii ugu horreeyay ee si cad u sharraxaya iskaashiga dhanka millatariga iyo amniga ee Maraykanku doonayo inuu la yeesho Somaliland, iyada oo qodobbada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin taageerada dhaqaale ee la siinayo Ukrain iyo in shiinaha dib loogu riixo Eeshiya. Xeerkan ayaa Somaliland lagu soo daray  sanandkan sii dhammaanaya ee 2023.

Xeerka ayaa lagu caddeeyay sida ay Maraykanka uga go’an tahay inuu si toos ah ula shaqeeyo Somaliland gaar ahaan dhinacyada amniga badda cas, iyo guud ahaan geeska Afrika, iyada oo laga faa’idaysanayo dekedda weyn ee caalamiga ah ee Berbera iyo madaarka Afrika ugu dheer oo isna ku yaalla  Berbera. Marka laga tago in Marykanku doonayo inuu saldhig Millatari ka samaysto Magaalada dekedda ah ee Berbera si uu ugala socdo danihiisa istraatijiyadeed iyo kuwa millatari iyo amniba, waxa sidoo kale ay dawladda Maraykanku ku talo jirtaa sidii ay dekedda Berbera ugu adeegsan lahayd inay ka soo dajiso mucaawinooyinka ay gaadhsiinayso dalalka geeska iyo guud ahaan bariga Afrikaba.

Sida ku cad warbixinta ka soo baxday aqalka cad, ee dalka maraykanka,

xeerkan oo ka kooban ku dhawaad 3,100 (saddex kun iyo boqol bog), ayaa lagu qeexay in:

  1. Maadaama oo Somaliland leedahay deked weyn iyo garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Berbera ee xeebta ah.
  2. Ay ku taallo goob Juqraafi ahaan muhiim ah oo ku taal geeska Afrika
  3. Ay la jaar tahay marin biyoodyada Istaraatijiga ah ee badda cas iyo gacanka cadmeed.

Sidaa daraaddeed gacan ka gaysan karto ujeeddooyinka Millatari ee Maraykanka, marka la eego xaaladda amni ee goboka ka jirta.

Taasina ay Maraykanka u saamaxayso in uu si toos ah ula macaamilo Somaliland isla markaana uu u adeegsado Dekedda Berbera inay noqoto meel laga galo geeska Afrika isla markaana fududaysa hawlaha qaybinta gargaarka ee geeska Afrika iyo dalalkaka shisheeyaba.

  1. In wasaaradda gaashaandhiggu warbixin ka keento doorka ay dawladda Shiinuhu ku leedahay hurinta xasaradda gobolka Sool ee Somailand.
  2. Guddiyada Senetka iyo Congress-ka ee ay khusaysaa ay daraasad ku sameeyeen sida Joogitaanka maraykanka ee Somaliland gacan uga gaystan karto.
  3. Siyaasadda Maraykanka ee Ku wajahan badda cas, Marin-biyoodk Indo Pacific iyo geeska Afrika

Dawladda Maraykanka ayaa Sannadkii hore meel marisay heshiiska Iskaashiga Somaliland Iyo Maraykanka ee 2023  kaasoo dawladda Maraykanka u oggolaanaaya inay si toos ah ula macaamisho Somaliland isla markaana ay saldhig millatari ka samaysato magaalada dekedda ah ee Berbera.