Diyaarad Sidday saddex boqol oo qof oo tahriibayaal ah oo Faransiiska lagu qabtay

0
120

Diyaarad ay saarnaayeen 276 qof oo rakaab ah, taasoo muddo afar maalmood ah lagu xanibay dalka Faransiiska, sababo la xidhiidha in looga shakiyay in ay wadday dad tahriibayaal aj, ayaa saaka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Mumbai.Dadka saarnaa diyaaraddan waxaa u badnaa Hindi.

Diyaaraddaan ayaa markii hore ka duushay dalka Imaaraadka Carabta iyadoo ku wajahneyd dalka Nicaragua, waxayna istaagtay Faransiiska si ay shidaal uga qaadato, taasoo keentay markii dambe in looga shakiyo in ay waddo tahriibayaal.

Waxaa lagu joojiyay garoonka Vetri, oo ku yaal meel 130 kilomitir bari ka xigta magaalada Paris.

Dacwad oogayaasha Paris ayaa sheegay in duulimaadka la hakiyay ka dib markii mas’uuliyiinta ay heleen xog qarsoodi ah oo ku saabsan in qaar ka mid ah rakaabka diyaaradda laga yaabo in ay yihiin ” dhibanayaal gacanta ugu jira kuwa dadka ka gancsada”.

25 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah oo la socday diyaaradda ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ay magangalyo ka helaan Faransiiska oo ay ku hareen.

Labo qof iyagana looga shakisan yahay inay tahriibinayeen dadka ayaa lagu xiray Faransiiska si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo.Duulimaadka Legend Airlines ayaa ku degtay Mumbai subaxnimadii hore ee Talaadada saaka.

Inta badan dadka diyaaradda saarnaa waxay ahaayeen muwaadiniin Hindiya u dhashay oo ka shaqaynayey Imaaraadka. Waxaa la sheegay in saddex meelood meel rakaabka ay ka yimaadeen gobolka Gujarat ee Hindiya.

Ma cadda sababta keentay in duulimaadka loo weeciyo Mumbai maadaama markii hore ay ku socotay dalka Nicaragua.