Xukuumadda Somaliland oo Markale ku Baaqday in Dariiq Nabadeed lagu Xalliyo Xiisadda Badda Cas

0
141

“Xiisadda ka taagan Badda Cas iyo  Xaaladda qallafsani waxay halis gelinaysaa amniga badda, xasilloonida gobolka, iyo nolosha malaayiin qof.”

Hargeysa-(Dwan):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale ku baaqday in la helo hannaan nabadeed oo lagu xalliyo xiisadda ka taagan Badda Cas.

War-saxaafadeed shalay  ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso xiisadda inay mudnaanta siiyaan diblomaasiyadda, wada-hadalka, iyo xal nabadeed. Waxaanu u dhignaa sidan;

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa weli indhaha ku haysa xiisadda ka taagan Badda Cas. Xaaladdan qallafsan waxay halis gelinaysaa amniga badda, xasilloonida gobolka, iyo nolosha malaayiin qof oo ku tiirsan waddooyinka muhiimka ah ee ganacsiga aaggan.

Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso xiisadda inay mudnaanta siiyaan diblomaasiyadda, wadahadalka, iyo ku xallinta nabadda. Waxaan aaminsanahay hab iskaashi oo mudnaanta siinaya amniga wadajirka ah, ixtiraamaya shuruucda caalamiga ah, waxna ka qabta sababaha asaasiga ah ee khilaafka iyo xasilloonida siyaasadeed ee gobolka.

Waxaan ugu baaqaynaa jilayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay door wax ku ool ah ka ciyaaraan fududaynta dajinta xiisadda iyo taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed. Xukuumadu waxay ballanqaadaysaa soo dhawaynta saaxiibada doonaya inay ka qayb qaataan dadaallada amniga badda, si aan u xaqiijino in Badda Cas sii ahaato marin biyood nabdoon oo barwaaqo u ah dhammaan.