Sarkaalkii Qaramada Midoobay iyo wixi xanuunjiyay ee ay ku soo aragtay Qasa

0
173

Dad badan oo dhaawacoodu uu aad u darnaa ayaa la daweyn waayey sababtoo ah cisbitaalka oo aad u buux dhaafiyay sida ay sheegtay

26 Disembar 2023

Gemma Connell oo ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA ayaa BBC-da waxa ay uga warrantay wixii ay Isniintii shalay kusoo aragtay cisbitaalka Al-Aqsa ee bartamaha Qasa iyadoo tiri waxa uu ahaa “xasuuq dhab ah”.

Dad badan oo dhaawacoodu uu aad u darnaa ayaa la daweyn waayey sababtoo ah cisbitaalka oo aad u buux dhaafiyay sida ay sheegtay.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa mar sii horreysay wacad ku maray in ay sii xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan Xamaas.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu booqday Qasa subaxnimadii Isniinta iyo in ololaha milatari ee Israa’iil ee halkaas ka socda uusan ku dhowayn in la soo afjaro.

Hadalkiisa ayaa imaanaya maalmo kadib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu sheegay in Israa’iil ay hoos u dhigto xoojinta duqeymaha.

Tom White, oo ah agaasimaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta ee UNRWA, ayaa sidoo kale u sheegay BBC-da in ay hadda ku sugan yihiin bartamaha Qasa dad lagu qiyaasay 150,000 oo qof oo kusoo baxay amarka daad gureynta ee militariga Israa’iil.

Sidoo kale, Ms Connell waxay tiri: “Wixii aan ku arkay Isbitaalka Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Deir al-Balah waxay ahaayeen gumaad buuxa.”

Waxa ay sheegtay in ay indheheeda ku aragtay, dhibanayaal badan oo qaba dhaawacyo aad u daran oo halkaasi daadsan, hase yeeshee aan wax looga qaban Karin isbitaalka oo buuxay iyo bukaannadii ka horreeyay oo ay shaqadoodu socotay awgeed, iyadoo xustay in safka qalliinka ee isbitaalka uu ahaa mid aad u dheer.

Dhaawacyada badankood ayaa ahaa kuwo ku waxyeelloobay duqeyntii Axaddii oo la sheeegay in lagu qaaday xerada qaxootiga Al-Magazi ee bartamaha Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 qof ay ku dhinteen weerarkaas lagu qaaday xerada qaxootiga

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 qof ay ku dhinteen weerarkaas lagu qaaday xerada qaxootiga ee ay sheegtay in ay geysatay Israa’iil.

Ciidamada difaaca Israa’iil ee loosoo gaabiyo IDF, ayaa sheegay in ay heleen “warbixinno ku saabsan dhacdo ka dhacday xerada qaxootiga ee Maghazi”.

Ms Connell ayaa sidoo kale sheegtay in xilliga ay booqaneysay Al-Aqsa “ay jireen duqeymo cusub oo dhanka cirka ah oo lagu garaacay goobo ku dhow isbitaalka oo ku yaalla aagga dhexe iyo dhaawacyo cusub oo la keenay”.

“Nasiib daro waxaan arkay wiil sagaal jir ah oo madaxa ka dhaawacmey oo dhintay,” ayay raacisay.

Dagaalku wuxuu billowday 7-dii Oktoobar kadib markii Xamaas ay hoggaamisay weerar lagu waxyeello geystay oo lagu qaaday gudaha Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, oo u badnaa rayid, ayna qafaasheen ilaa 240 oo la haystayaal ah. Israa’iil wax ay sheegtay in weli 132 ruux ay Xamaas ka heysato.

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay Isniintii in ilaa 20,674 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha Israa’iill tan iyo xilligaas. Inta badan dadka dhintay ayaa la sheegay in ay isugu jiraan caruur iyo haween.

Warbaahinta Israa’iil iyo Carabta ayaa sheegaya in Masar ay soo jeedisay qorshe xabbad joojin ah oo ay labada dhinac ay dhex dhigaan.

Sida ay wararku sheegayaan qorshuhu wuxuu noqon doonaa in si toos ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa’iiliyiinta iyo tiro aan la cayimin oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jira jeelasha Israa’iil, taasoo ku dhammaan doonta hakinta duullaanka Israa’iil.

Heshiis xabbad joojin ah oo hore oo ay Qadar garwadeen uga noqotay ayaa horseeday la haystayaal laga sii daayay Qasa oo lagu beddelay maxaabiis falastiiniyiin ah.