Heshiiskani sida loo Galay ayuu u Fulayaa Arrinta Sharciyadda Marka la Eego, iyaga Ayaan Sharci ahayn Soomaaliya…”Wasiirka Warfaafinta

0
404

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan), ayaa sheegay in aanay Soomaaliya waxba ka bedeli Karin heshiiska ay Somaliland la gashay dawladda Itoobiya.

Waxaanu tilmaamay in Soomaaliya mar kastoo ay Somaliland heshiis la gasho dal kale ama shirkad caalami ah in ay sidan oo kale uga qayliyaan, isla markaana aanay wax saamayn ah  ku yeelanin.

Wasiir Cali Mareexaan, waxa uu sidan ka sheegay barnaamijkii Doodda Jimcaha ee BBC Somali lee shalay oo uu ka qayb galay. Doodaasi oo ay kula jireen wasiirka Waraafinta Soomaaliya, iyo masuul kale oo garyaqaan ah.

Wasiir Cali Mareexaan, oo ka jawaabayay sharci ahaan sida aanay Soomaaliya waxba uga qaban Karin arrinta heshiiska is-af-garad ee ay gaadheen Somaliland, iyo Itoobiya, ayaa ku jawaabay, “Garyaqaanku wuxuu sheegay uun intii  Xasan Sheekh Maxamuud, ee ahayd maxay annaga noo soo mari waayeen. Markhaatigii ayuun buu u furay. Ma aha markii u horraysay ee ay Somaliland heshiis gasho, oo ay dawladda Soomaaliya diido. Heshiiskii DP World ayay diideen, kii Millatery base-ka ee aanu Imaaraadka Carabta siinay ayay diideen” ayuu yidhi wasiir Caliu Mareexaan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Baarlamaankoodda ayaa go’aamo soo saaray, golaha Ammaanka ee qaramadda midoobay ayay ula carareen, hadana waxba kamay bedelin go’aankii. Heshiiskan aanu Ethiopia, la galnayna in ay Soomaaliya diido, annagu la yaabi mayno.

Arrinta sharciyadda marka la eego, iyaga ayaan sharci ahayn Soomaaliya, marka la isla tago sharciga caalamiga ah. Sababta aanu u ahayna waxay tahay waa in aad xuduud mucayin ah haystao, waa in aad Badda leedahay, waa in dawladdu dhulka ay sheegaynayso ay iyadu wada maamusho, dhul ahaan, iyo bulsho ahaanba”.

Geesta kale wasiir Cali Mareexaan, waxa uu ku dooday in aanay jirin dawlado waaweyn oo caalamka ah, ama haayado caalami ah oo si cad u shaaciyay inuu sharci darro yahay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia.

Waxaamu yidhi “Heshiiskani dawlado waaweyn iyo ha’yado caalami ah oo ka hor yimid ma jiraan. Hadda faladoodu waxay ahaayeen kuwo diblomaasiyadeed oo hufan, oo sheegaya in dhinacyadu ay wada hadlaan, xiisadana la dejiyo. Dawladaha qaarna waxay sheegeen in ay aqoonsan yihiin xuduudihii 1960-kii.

Waxa dekado iyo garroomo diyaaradeed ku yaalla Soomaaliya, ee ay iyagu bixiyeen, anagu xataa bulsho ahaan miyaanu ogayn? Ama wx nalaga waydiiyay? Haddii aad leedahay Soomaliyi ha u dhamato, ma anagaa kula bixinay”.

Waxa kaloo wasiira Waraafinta Somaliland uu sheegay in heshiiskani uu sidiisa u dhaqan geli doono marka la soo mariyo haayadaha sharciga ah. “Heshiiskani sida loo galay ayuu u fulayaa. Marka hore waa kirro Baddu, muddo mucayin ah leh. Aqoonsiga Ethiopia-na keligood maaha, balse dawlado kale oo badan ayaa ku xiga. Dawladda Soomaaliya haddii ay doonayso in ay xal keento, iyaduba Somaliland ha aqoonsato. Mushkiladu waxay tahay Soomaaliya wixii aanu ku heshiinay ayay mar walba ka baxayaansyuu yidhi wasiir Cali Mareexaan.