Gudoomiyaha Golaha Wakiillada oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadalo ka soo Yeedhay Dawladda Muqdisho

0
170

Hargaysa(Dawan) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay qiirada iyo oohinta xiligan ka bilaabantay Xamar, iyo baaqa wakhtigan lagu baaqayo Soomaalinimo uu guddoomiyuhu sheegay inay ku dhimatay Muqdisho.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Mudane Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon,ayaa hadalkaas ka sheegay  soo dhawaynta weftigii Madaxweynaha Somaliland ee ka soo noqday dalka Itoobiya.

Gudoomiyaha golaha wakiillada oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi

“Sida Madaxwayne ku xigeenku sheegay waxa aynu soo dhawaynaynaa wefiga Madaxwaynaha oo ka soo laabtay safar taariikhi ah oo uu Qaranka ugu soo shaqaynayay, aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa.

Intaas kelmadda aan raacinayaa ayaa ah illaa shalay waxaan arkayay Xamar oo aad looga qiiraysan yahay oo Soomaalinimo lagu baaqayo oo loo ooyayo, arrintaasi oo aan aad ula yaabay, waayo Soomaalidii Xamar bay ku burburtay, waxa maanta soo nooleeyay safarka maalinta qaatay ee uu Madaxwaynuhu danta Qarankiisa u soo shaqeeyay sidaa looga ooyayona mid aan aad ula yaabay bay noqotay.”