Ruushka Gantaalka lidka diyaaradaha ku dilay 11 qof

0
163

Weerar gantaallo ah oo Ruushku qaaday ayaa lagu dilay 11 qof oo ay ku jiraan shan carruur ah bariga Ukraine, sida uu sheegay sarkaal ciidamada ka tirsan.

Gantaalladda S-300 ayaa lagu garaacay magaalada Pokrovsk ee dhulka ay Ukraine haysato ee gobolka Donetsk, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaasi.

“Cadowgu waxa uu dadka rayidka ah u garaacayaa danihiisa gaarka ah, isaga oo isku dayaya in uu abuuro dhibaato inta uu awoodo,” ayuu gudoomiyaha gobolka Vadim Filashkin ku qoray barta Telegram.

Khudbaddii fiidnimo ee Madaxweyne Volodymyr Zelensky wuxuu ku sheegay in ciidamada Ruushku ay beegsadeen meelaha la deggan yahay.

Ruushka waa inuu dareemo cawaaqibka ka dhalan kara weerarradan oo kale, ayuu Mr Zelensky ku daray. Si kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin