Maamulka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo ka war Bixiyay Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan

0
169

Hargeysa(Dawan):- Maamulka Cisbitaalka guud ee Hargeysa,ayaa ka war bixiyay adeegyada caafimaad ee ay bulshada u qabtaan iyo kaalinta ay ugu jiraan dawaynta dadka.

 

Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr Cadnaan Sayid Cabdoo oo warays gaar ah siiyay wargeyska Dawan,ayaa sheegay in  in 12 waxaadoo oo Cisbitaalka guud ahi in ay bixiyaan adeegyo caafimaad oo kala duwan.

 

Waraysigaas oo faah faahsan ayaa u dhacay sidan.

  1. Waxaad war bixin guud naga siisaa adeegyada caafimaad ee Cisbitaalka guud. Bulshada u fuliyo?

J.Cisbitaalka guud ee Hargeysi waa cusbitalka ugu wayn wadanka, waxaana uu bixiyaa dhamaan adeegyada muhiimka ah, sida bukaan socodka, Bukaan jiifka, gargaarka deg-dega. Waxa kale oo cusbitaalku bixiyaa adeegyada khaas ka ah sida, Sifaynta kaliyaha, Qaliinka neerfaha iyo lafaha wajiga, maareynta cuduruda(Macaanka, Dhiigkarka),cudurada wadnaha.

  1. Xaaladda cudurada faafa sideed ula tacaashaan?

J.Cisbitaalka hargeysi waxa uu leeyahay khibrad iyo waayo aragnimo dheer oo ku saabsan sida loo maareeyo cudurada faafa hadii ay dilaacaan, waxaana aynu tusaale u soo qaadan karnaa jawaabtii uu cusbitaalku ka bixiyey Covid-19, oo uu cusbitaalku laf dhabar u aha ka jawaabida qaran ee uu Hogaaminaayay madexweynaha qaranka Mudane Muuse Biixi cabdi.

Cisbitaalka Hargeysi isaga oo kaashanaya wasaarada Horumarinta Caafimaadka waxa ay had iyo goor la socotaa xaalada cudurada faafa, iyada oo la baadho bukaanada imaada Cisbitaalka amaba lala socdo calaamado muhiim ah oo ina tusin kara in uu jiro cudur faafa oo bulshada ku dhex jira. Cusbitaalku waxa uu siiya shaqaalaha tababaro joogta ah sida loo heli karo, caalamadaha iyo shaybaadhka cudurada faafa.

Cusbitaalku waxa uu leeyahay habraacyo sida loo maamulo marka uu jiro cudur faafa oo dilaacay iyo habraacyo u gaar ah cudurada inagu soo noqnoqda ee faafa, tusaaale ahaan marka cudur dilaaco waxa aanu shaqaalaha caafimaadka la wadaagnaa cilmo baadhisyadii iyo warbixinadii ugu danbeeyay ee laga sameeyay cudurkaas. Taas oo u awood siinaysa shaqaalahu in ay si fiican oo cilmi ku dhisan ula tacaalan cudurka.

  1. .Waxaa dalka ku soo badanaya xanuunada macaanka iyo faaliga iyo dhiig karka.ma jirtaa daraasad caafimaad oo baadhitaan lagu sameeyay waxa sababay?

 

J.Waa run, oo waxaa inagu soo badanaya cudurada aad sheegtay. Waxaa xusid mudan in ay jirto daraasad ay sameeyeen Wasaarada Horumarinta Caafimaadka iyo Haayada Caafimaadka Aduunku(WHO) taas oo sheegtay in ku dhawaada 30% dadka dhinta ay u dhintaad cudurada aan Faafin(Non-communicable disease). Tiradaas oo aad u badan isla markaasna warwarkeed leh. Waxa sababa inta badan waa laga hor tagi karaa, oo waxay la xidhiidhaan fadhiga badan, balwadaha(qaadka iyo sigaarka) iyo Cuntooyinka aan dheelitirneen.

Shaqada Cusbitaalku waa maareynta iyo la socoshada bukaanada uu haleelo cuduradaasi, isaga oo taas ogsoon waxa uu cusbitaalku hirgeliyay xaruntii ugu horeysay ee nooceeda ah ee lagula tacaalo cudurada aan faafin(Non-communicable disease), taas oo loo qalabeeyay si casri ah isla markaasna ay joogaan shaqaale xirfadleh.

Sidoo kale cusbitalku waxa uu balaadhinayaa qaybtaas(non-communicable diseases clinic), iyadoo loo wado dhisme cusub.

 

 S.Qaliimada Cisbitaalka guud lagu qabto iyo kuwa aan wax dalka lagaga qaban karin war bixin naga sii?

J.Waxa uu Cisbitaalka guud ee Hargeysi ku guuleystay mudooyinkii ugu danbeeyay in uu kordhiyo nooca qaliinda la sameeyo iyo dhakhaatiirta leh takhasuska kala duwan ee qaliimada.

Wuxuu Cisbitaalka weyni sameeyaa inta badan qaliimada sida qaliinka guud, qaliimada Hooyada uur ka leh iyo caruurta, Qaliimada lafaha  iyo neerfaha,

Wey jiraan qaliimo aanan samayn Karin oo u baahan dhakhtar dibadeed sida Keliyaha, wadnaha

 

  1. Muxuu cisbitaalka guud ee Hargeysa kaga duwan yahay cisbitaalada gaarka loo leeyahay kol hadii adeegyadii lacag wada yihiin?

J.Cisbitaalka Guud ee hargeysi waxa uu kaga duwan yahay cusbitaalada gaarka qodobadan hoos ku xusan,

Ta koowaad, waa Cisbitaalka ugu weyn xaga xajmiga iyo waliba tirada bukaan jiif ama bukaan socod ee uu qaabili karo. Sanadkii Cisbitaalka waxaa booqda oo usoo doonta adeeg dad aad u badan.

Ta labaad, noocyada adeeg caafimaad ee uu bixiyo oo aad u badan. Cisbitaalku waxa uu leeyahay 12 waaxood oo bixiya adeegyada kala duwan ee caafimaad, waxaana waax walba jooga dhakhaatiir takhasus leh. Cusbitaalda gaarkii inta badan waxay bixiyaan adeeg kooban sida qaar hooyada iyo dhalaanka, ama qaliinka oo qudha ah. Halka Cisbitaalka wayni koobsaday dhamaan adeegii loo baahnaa oo aad ka helayso hal meel.

Ta sadexaad, Tirada dhakhaatiirta leh takhasuska saree e caafimaad, waa goobta caafimaad ee kaliye ee ay wadanka joogaan ilaa 30 dhakhtar oo leh takhasus sare.

Ta afraad, Qiimaaha oo aad ugu jaban kuwa gaarka loo leeyahay.

Ugu danbeyn, Cisbitaalka weyn ee Hargeysa waxa uu bukaanku heli karaa adeeg xili kasta oo uu baahdo 24 saacadood wiiga oo dhan.