Nuxurka Kulan Saddex Geesood ah oo lagu Qabtay Wasaaradda Cadaaladda

0
101

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta cadaaladda Somaliland, ayaa lagu qabtay kulan saddex geesood ah, kaas oo ay isugu yimaadeen wasaaraddaha maaliyadda, gaadiid iyo cadaaladda.

Kulankan saddex geesoodka ahaa oo uu shir-guddoomiyay wasiirka wasaaradda cadaaladda Mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa ku saabsana sidii la isu-waafajinlahaa nidaamyada kala ah dakhli uruurinta oo ay isticmasho Wasaaradda maaliyada, Nootaayooyinka oo ay isticmasho Wasaaradda cadaaladda, Bad-qabka gaadiidka oo ay isticmasho wasaradda gadiidka iyo horumarinta jidadka JSL.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiiradda wasaaraddaha maaliyadda, gaadiid iyo cadaaladda, la isla qaatay iswaafajinta adeegyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan wasaaraddahasi.

Gaba-gabadii kulankan kulanka xiga waxa loo balamey maalintada Sabtida bishuna tahay 17-2-2024 la iskugu yimaado, haddii ALLE Qadaro, si loo dhameystiro hawl-qabadka iswaafajinta nidaamyada ay isticmalaan wasaaradahani.