Goolkii Geeridiisa Sababay !

0
93

Andres Escobar waxa uu aha ciyaartow kubbada cagta u ciyaara kooxda qaranka ee dalka Kolombiya. Escobar waxa uu kooxdiisa u saftay tartankii koobkii Aduunka ee sanadki 1994, oo lagu qabtay dalka Maraykanka.

Tartankaasi waxa kooxda Kolombiya ay iskaga hor yimaadeen ciyaar dalka Maraykanka waxaana ciyaartaasi ku guulaystay dalka Maraykanka ka dib markii kooxda Kolombiya ay kaga badiyeen 2-1. Labada Gool ee ay ku badiyeen Maraykanku waxa midkood isku dhaliyay kooxda kolombiya waxaana sababay ciyaartowga dhinac difaac uga ciyaarayay ee Andres Escobar oo xidhnaa funaanadda number 2.

Ciyaartaasi waxa aad ugu xanaaqay dad badan oo dalkaasi u dhashay.

Haddaba Escobar markii uu ku noqday dalkiisa Kolombiya waxaa dilay koox shufto Gaangis ah oo aad uga cadhaysnaa goolkii uu iska dhaliyay iyagoo ku dhawaaqayay โ€œ uma qalantid inaad noolaato, maxaa yeelay ciyaartii ayaad nagu ceebaysayโ€, waxaana ay ku dhufteen 7 xabadood oo rasaas ah. Ciyaartowga Escobar ka hor dilkiisa ay kubbadu sababtay waxa waraysi ka qaaday weriye lagu magcaabo Gonzalo Medina oo u dhashay dalkaasi waxa uu weydiiyay ย suโ€™aashan: โ€œย  Waa maxay sababta aad u jeclaatay kubbadda cagta ee tartamada kale aad u xiisan wayday?โ€ , Escobar ayaa isaguna ku ku jawaabay : โ€œ Kubadda cagtu waxay muujisaa xidhiidhka dhow ee ka dhexeeyay Nolosha iyo ciyaarta, Kubbada cagtu way ka duwan tahay ciyaarta dagaalka denbiga ee dhimashada leh, iyada dhimasho ma jirtoโ€. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay ย โ€œ Kubadda cagta qofna kuma dhinto, qofna laguma dilo, iyadu waa farxad keliyaโ€. Wakhtigaasina waxa uu isha ku hayay ciyaarta debiga iyo kuwa kale ee la mid ah ee qofku geerida u badheedhayo. Erayadaasi uu ku amaanay kubadda cagta iyo in aanay dhimasho lahayn ee farxad tahay waxa beeniyay isaga laftiisa falka ku dhacay oo uu sababay goolka uu kooxdiisa sida khaladka ugua dhaliyay, isagoo weliba doonayay inuu dofaaco. ย Mar kasta erayda aad ku hadkayso ma noqonayaan sida aad u aragto