Buugga Khuraafaadka Ee Caanka Ah?

0
142

Buuga uu qoray faaliyaha Yuhuudiga ah ee noolaa qarnigii 15aad laguna magacaabo Michel Nostredamus oo ayย  reer galbeedka iyo Yuhuudda adeegsadaan, isla markaana ku sii qoray arimo badan oo uu sheegay inay tahay saadaasha dunida ayaa la sheegay in laga dhex helay magaca Trump.

Buugan sida uu qoran yahay maaha mid cad oo qof kastaa fahmi karo waa habka afarlayda (Quatrains) oo isku daboolan waxaana fasira dad gaar ah.

 

Hore waxa loo qoray in laga helay ariimo badan oo dhacay sidaย  Nasigii Hitler iyo weerarka Maraykanku Ciraaq ku qaaday iyo labadii daarood ee la burburiyay, haddana dadka buuga akhriyaa arimhaasiย  si cad uguma fahmaan waxa qoran oo mararka qaarkood aan shaqo isku lahayn ayaa lagu fasiraa weedho buuga ku qoran, taasi oo iska ah khurafaad iyo mala- awaal loo nisbneeyo saadaal rumowday.

Waxay sheegeen in Trump ay ugu qoran tahay sidan : โ€œ Waxa America ka dhici doona doorasho, waxaana ku soo bixi doona nin kibraani ah oo aan edeb lahayn, oo aan bidaar lahayn, oo meel qaloocan ka soo galay. Waa nin aan nixin oo la mid ah Hitler mana ku shaqaynayo garaad iyo caqli midna, cilmi badana ma lahaโ€.

Waa nin wixii uu ku hadlaa aanay lahayn ujeedo iyo ka jeedo, waxaan uu dunida u horseedi doona dhibaato, iyo burbur. Laakiin dad badan waxay aaminsan yihiin in buugani yahay riwaayad dunida loo dhigo oo marka la rabo in ariimo la sameeyo ay tahay goobaha ay sheegaan in horeba loo sii sheegay