Wasiirro ka Qayb-galay Aas Qaran oo loo Sameeyay Marxuum Lagu Dilay Garoowe

0
99

Gabiley (Dawan) Marxuum Cabdiraxmaan Xaaji Xasan Abraar oo ahaa muwaadin reer Somaliland ah oo lagu dilay magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntlan ayaa ALLA ha u naxariistee waxa shalay aas qaran loogu sameeyay magaalada Gabiley, kaasi oo ka mid ahaa shaqaalaha Duulista Rayidka ah ee Puntland.

Aaskan ayaa waxa ka qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland, Taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Xildhibaano ka tirsan goleyaasha qaranka, maamulka gobolka iyo ka Degmada Gabiley, madaxda dhaqanka, Culimaa’udiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaanay marxuumka ILLAHAY uga baryeen inuu janooyinkiisa ku casuumo, waxaana marxuumka lagu aasay xabaalaha Madaxtooyadda Gabiley.

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo hormood u ahaa waftiga ka soo qayb galay aaska marxuum Cabdiraxmaan Haaji Xasan Abraar ayaa ehelka iyo qaraabada marxuumka iyo guud ahaan ba bulshada Somaliland ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee marxuum cabdiraxmaan xaaji, waxaanu marxuumka ILLAAHAY uga baryay inuu Kitaabkiisa midigta ka siiyo, Janooyinkiisana ku casuumo.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado Haldoor reer Somaliland ee lagu dilayo Soomaaliya iyo dawladda halkaasi fadhida oo aan soo hadal qaadin dilalka loo gaystay muwaadiniinta reer Somaliland.

Sidoo kale xubno ka mid ah golaha wasiirada Somaliland, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Qaranka, maamulka gobolka iyo ka degmada Gabiley, Salaadiin, ganacsato iyo guud ahaan shacabka Gabiley ayaa waxa ay tacsi tiiraanyo leh la wadaageen qoyska iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Cabdiraxmaan Xaaji Xasan Abraar oo Garoowe lagu dilay, waxaanay marxuumka ILLAAHAY uga baryeen inuu janooyinkiisa ku casuumo, bulshada iyo Qarankana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.

Gebo’gabadii Marxuum Cabdiraxmaan Xaaji Xasan Abraar waa qofkii sadexaad ee reer Somalilan ah isla markaasina lagu dilo Koorfurta Soomaaliya, kuwaaasi oo dhammaantooba ka tirsanaa maamulka hawada Soomaaliya, taasina ay ku tusayso cadaawada circa maraysa ee Soomaaliya u hayso shacabka iyo Qaranka Somaliland.