Cajaa’ibka Mataxafka Qadiimka !

0
76

Matxafka lagu ururiyay agabka qadiimka iyo kuwa hiddaha iyo dhaqanka ee ‘Hermitage Museum’ waxa uu ku yaala magaalada  Petersburg oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ruushka oo dhacda waqooyiga galbeedka ee dalkaasi oo kulaalaya gacanka Finland ee badda Baltic.

Waana magaalo xeebeed ay ku taallo deked weyn oo isku xidha maraakiibta adduunka ee ka gudbaya wabiga Neva iyo badda Baltic.

Dalka Ruushku waxa uu ka mid yahay rugaha ugu waaweyn uguna da’da weyn ee laga helo  taariikhda iyo dhaqanada adduunka ee qadiimka ah.

Alaabooyinka lagu ururiyay matxafka Hermitage waxa lagu soo bandhigay lix dhisme oo uu ka kooban yahay, waxaana asaastay boqoradii Ruushka ee Catherine 2, taasi oo xukunka kula wareegtay afgembi, sanadkii 1764, waxaana si guud oo madax banaan loo furay sanadkii 1852.

Dhismaha ugu weyn waa qasriga jiilaalka , waxana uu ahaa xaruntii madaxtooyadii ee Boqorkii Ruushka ee Qayser ee Lenin xukunka kala wareegay 1917. Mataxafkan waxa lagu soo bandhigay dhamaan alaabooyin laga isticmaali jiray Yurub, kuwaasi oo ilaa maanta lagu daawado.

Waxaana qayb kasta lagu ururiyay  meel gaar ah sida Dahabka qadiimka kaasi oo ah kan ugu badan ee yaalla.

Matxafkani waxa uu yaab ku leeyahay iyadoo uu leeyahay ilaalo ah koox bisado ah oo dhan  74 bisadood, waxaana ay leeyihiin xoghaye u qaabilsan warbaahinta iyo saddex qof oo daryeela isla markaana ka war haya baahidooda maalin laha ah.

Bisadahani waxay ilaaliye ka ahaayeen matxafkan muddo 200 sano ah oo ay ku jirto sebenkii boqorkii Qaysar. Waxaana bisaduhu ka ilaaliyaan matxafkan Jiirka iyo xayawaanada kale.

Sanadkii 2013, Maria Haltunen oo ah maamulaha haga barnaamjiyada bisadaha ayaa sheegtay in tirade bisaduhu gaadhayaan 74 , marka la isku daro  Bisada iyo curiba.  Waxaana ay leeyihiin Madbakh raashinka loogu kariyo iyo xataa isbitaal u gaar ah oo lagu daweeyo haddii xanuuno ku yimaadaan.

Rodgers oo ka tirsan BBC-da ayaa sheegay in loo maleynayo in bisadahani markii hore ay ka yimaadeen Kazan, oo ah magaalo caan ku ah in ay bisaduhu ku fiican yihiin qabashada jiirka.

Bisaduhu waxay ku sugnaayeen Petersburg marka laga reebo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, wakhtigaasi oo dadkii madheen. Laakiin Dagaalkii kadib, koox cusub oo bisado ah  ayaa la keenay si ay u bilaabaan shaqadii ilaalinta ee ay qarniyada soo hayeen.