Xukuumadda Somaliland oo Hay’adaha Caalamiga ah ee Garsoorka iyo Xuquuqda Aadamaha u Gudbisay Dacwad ka Dhan ah Soomaaliya

0
131

 

Dullucda 9 Qoddob oo muhiim ah oo ka soo baxay Shirkii 125aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland

Hargeysa(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Hay’adaha caalamiga ah ee garsoorka iyo xuquuqda aadamiga u gudbisay dacwad ka dhan ah dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya oo dilal qorshaysan ku laysay muwaadiniin reer Somaliland.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkii 125aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland. Waxana laga soo saaray 9 Qoddob oo ku wajahan maamulka hawada, is afgaradkii dhexmaray dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

 

War saxaafadeedkaasi oo dhammaystirani wuxuu u qornaa sidan:-

 

 

“Fadhigii 125aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka khamiistii ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu lafo-guray qodobbo la xidhiidha Amniga Mandaqadda.

 

Tan iyo markii ay labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya, ay kala saxeexdeen 01.01.2024-ka heshiiskii is-afgarad, waxa ay dawladda Muqdisho qaaday dagaal qaawan oo ka dhan ah shacbiga reer Somaliland, kaddib markii ay kasoo quusteen beesha caalamka waxa ay miciinsadeen inay iskaashi la sameeyaan kooxaha xag-jirka ah, sida Radio-ga ay maamusho dawladda Muqdisho uu ka sheegay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madax kale oo ka tirsan Soomaaliya.

 

Tallaabooyinka kale ee cadowtinimada ah ee ay qaadday dawladda Muqdisho waxa ka mida inay celiyeen diyaarad nooca gargaarka caafimaadka ah oo dalka ka qaadaysay muwaadin xaalad caafimaad loogu qaadayey dalka dibeddiisa, taasoo marka loo eego sharciga caalamiga ah noqonaysa danbi ka dhan ah Bini-aadantinimada.

 

Waxa kale oo ka mid ah in la beegsanayo muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan deegaamada ay maamusho dawladda Muqdisho, dadkaas oo ay ka mid yihiin kuwo la dilay, kuwo la xidh-xidhay lana jidh dilay iyo kuwo la haddiday.

 

Golaha Wasiirradu isagoo ka yeeshay arrimahaasi dood iyo falanqayn dheer waxa uu go’aamiyey

 

  1. Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay qarannimadeeda la soo noqotay waxay ku naalloonaysay nabadgelyo, iyadoo xidhiidh fiican la lahayd dawladaha deriska ah, waxaanay ka qayb-qaadatay in gobolka geeska Afrika uu nabadgelyo ku naaloodo, sidaa aawadeed dawladaha jaarka ah waxay u soo jeedinaysaa inay Somaliland kala qayb-qaataan nabadgelyada iyo xasillooni kuwada noolaashanaha Geeska.

 

  1. Golaha wasiirradu waxa u soo jeedinayaa Dawladda Soomaaliya inay ka waantowdo colaadaha ay abaabulayso ee Somaliland ka dhanka ah ee k u wajahan muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dhulka ay maamusho, kuwaas oo ay ku waxyeelaynayso magac dawladeed, in dadka Somaliland lagu waxyeelleeyaana hore ayey u soo martay oo xasuuq iyo dhibaato loogu geystay, sidaa awgeed, waxa ay Jamhuuriaydda Somaliland uga digaysaa in dawladda Soomaaliya ka waantowdo dadkaas ay waxyeelaynayso ee qaar la dilay, qaar la xidhxidhay, taasoo keeni karta cawaaqib xumo raagta.

 

  1. Maaddaama oo ay beesha caalamku ay quudiso ama masruufto Dawladda Muqdisho amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxa aanu ugu baaqaynaa inay indho dheeraada u yeeshaan muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu beegsanayo Muqdisho.

 

  1. Xukuumadda Somaliland waxay dacwad ka dhan ah dawladda Muqdisho u gudbisay hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda binu aadannimo ku shaqada leh, waxaanay ugu baaqaysaa hay’addahaasi inay dilalka iyo jidh dilka baadhis caalamiya ku sameeyeen.

 

  1. Jamhuuriyadda Somaliland maaddaama ay maamusho baddeeda, barrigeeda iyo cirkeeda, waxay beesha caalamka u caddaynaysaa in heshiis kasta oo ay gasho dawladda Soomaaliya aanay khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. Xukuumadda Somaliland waxay cambaaraynaysaa amarrada ay Dawladda Muqdisho ku khal-khal gelinayso Gaadiidka Cirka ee ay ugu danbeeyeen diyaaradihii Qatar Airways iyo Ethiopian Airline ee isku dhici gaadhay sida ay xaqiijiyeen Pilot-kii diyaarada Qatar Airways iyo maamulka labada shirkadoodba, taas oo ku timi amar qaldan iyo xilkasnimo-darro laga soo bixiyey magaalada Muqdisho ay sababtay, taas oo ay Somaliland cambaaraynayso.

 

  1. Golaha Wasiirradu waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka gaar ahaan Hay’adaha ay khusayso maamulka hawadu, sida ICAO iyo IATA, inay maamulka hawada si buuxda ugala xidhiidho Jamhuuriyadda Somaliland.

 

  1. Golaha Wasiirradu wuxuu shacbiga Somaliland ku bogaadinayaa siday u ilaashadaan qarannimadooda iyo wada-jirkooda isla markaana uga feejigan yihiin wax kasta oo dibin daabyo ku ah qaranka Somaliland, waxa kale oo goluhu shacbiga ku bogaadinayaa tan iyo intii ka dambaysay Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia in ay xaqiiqawday himiladoodii ahayd inay ka mid noqdaan beesha caalamka.

 

  1. Golaha wasiirradu wuxuu si adag ugu digayaa cid kasta oo faafinaysa, isla markaana dhiirrigelinaysa dhagaraha iyo dabinnada cadawgu u maleegayo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee leh Af, addin iyo qoraalba.

 

Ugu danbayntiina, Golaha Wasiirradu waxa ay dood iyo falanqayn dheer ka yeesheen wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyadda Xeer Lr. Xx/2023 oo ay soo wada diyaariyeen Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dalka horena loogu qaybiyey, kaas oo ay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.”