Taliyaha Ciidanka Xeebaha ee Gobolka Sanaag Oo ka War Bixiyay Hawl Gallo ay Fuliyeen

0
135

Ceerigaabo (Dawan): Taliyaha ciidanka illaaladda xeebaha ee gobolka Sanaag  Ismaaciil Maxamed Yuusuf, oo uu weheliyo abaanduulaha ciidanka illaaladda xeebaha , ayaa ka warbixiyay hawl gallo ay maalmihii la soo dhaafay ka fuliyeen xeebaha gobolka Sanaag.

 

Waxaanay sheegeen taliyeyaashu in ay ka hor tegeen Doonyo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha gobolka Sanaag. Waxaanay uga digeen ciddii isku dayda in ay ku soo xad-gudubto xeebaha Somaliland in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Taliyaha ciidanka illaaladda xeebaha ee gobolka Sanaag Ismaaciil Maxamed Yuusuf,  oo hawl galkaas ka warbixinayayna waxa uu yidhi “Kalluumaysato sharci darro ah oo ay ciidanku ka hawl galeen, maalmihii la soo dhaafay. Kalluumaysatadaasi oo ka soo baxaysa Puntland, iyo Soomaaliya,  doonaysana in ay Badda Somaliland si sharci darro ah uga gurato kalluunka”.

Ismaaciil Maxamed Yuusuf,  ayaa uga digay kalluumaysatadda sida sharci darrada ah ku soo gasha Badda Somaliland ee ajaanibka ah in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan. “Kalluumaysatadaasi sida sharci darrada ah ku soo gashay Badda Somaliland, waxay ka carareen agabkii ay ku kalluumaysanayeen, waxaanay ka baxeen Baddeena.

Waxaanu uga digaynaa dadka waraaqadaha sharci darrada ah soo siinaya Doonyahaasi kalluumaysi, in aanay isku deyin dadkaa ajaanibka ahi in aanay soo gelin xeebaha Somaliland. Ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland waxa uu u diyaarsan yahay, inuu ka difaaco cid kastoo sharci darro ku soo gasha xeebaha Somaliland”yidhi taliyaha ciidamadda ilaaladda xeebaha ee gobolka Sanaag.

 

Geesta kale  Taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha ee gobolka Sanaag Ismaaciil Maxamed Yuusuf, waxa uu digniin u diray dad uu sheegay in ay soo hagaan ama u agcan haadiyaan kalluumaysatadda sharci darrada ah, iyo doonyaha tahriibka ka shaqeeya.

Taliyaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay ciidamadda Ilaaladda xeebaha Somaliland ee hawl galkaasi fuliyay. Waxaanu yidhi “Waxaa jira dad badan oo u gacan haadiya budh-cad badeedda ama kalluumaystadda sharci daradda, oo ku soo haga xeebaha jamhuuriyadda Somaliland waxaanan dadkaa u sheegayaa in gacan wax lagaga qaban doono.

 

Waxa kaloo aan u mahad celinayaa ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland ee gobolka Sanaag, sida wanaagsan ee ay hawl galkaasi u fuliyeen”.