Xarun Caafimaad oo lagu soo Kordhiyay Adeegbixintii Magaalada Berbera

0
97

Xubinteena koobaad ee barnaamijka caafimaadka toddobaadkan  waxaan ku soo qaadan doona xarun caafimaad oo hay’adda Bisha Cas ka hirgelisay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Awdal.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolkaasi, ayaa siwada jira xadhiga uga jaray  xarun caafimaad oo ay magaalada Berbera ka hirgalisay hay’adda bisha Cas ee Emirates Carabta.

Munaasibadii xadhig ka jarkan waxa ka qayb galay   safiirka dawlada Emirates Carabta u fadhiya dalka Jamhuuriyada Somaliland iyo madaxda hay’adda Bisha Cas Imaraadka ee UAE Red crescent iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil.

Isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Saaxil, ayaa sheegay in xaruntani ay wax badan ka tari doonto adeegbixintii caafimaad ee gobolkaasi, gaar ahaan waxa uu xusay inay wax weyn ka tari doonto adeeg yarida caafimaad ee magaaladaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay  in xaruntan caafimaad ay bixin doonto adeeg caafimaad oo hufan, waxaanu intaas raaciyay in xaruntan caafimaad ay tahay mid aad loo qalabeeyay una diyaarsan inay u adeegto bulsho kala duwan.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Mudane Cali Cabdi Cabdilaahi abdi (Cali case)ayaa u mahad celiyey dawlada Emirates iyo dawlada hoose ee berbera sidoo kalena ka waramay sida ay ka gobol ahaan muhiim ugu tahay bulshada reer Saaxil in ay helaan dhammaan adeegyadda arimaha bulshada caafimaadkuna ugu horeeyo.

Muddooyinkii u danbeeyay wasaaradda horumarinta caafimaadka oo kaashanaysa hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin ayaa ku hawlaneyd inay hirgeliso xarumo caafimaad oo hor leh, kuwaas oo wax badan ka tari doona adeegbixinta caafimaad ee dowladda