Golaha Wakiillada JSL oo Ansixiyay Odoroska Miisaaniyada 2024

0
171

Hargeysa (Dawan)- Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay ansixiyay odoroska miisaniyad qaranka ee sannadka 2024-ka. Sidoo kale golaha Wakiillada ayaa la horkeenay mooshinno kala duwan, kuwaasi oo ay qaarna ansixiyeen kuwana ay diideen.

Gudoomiyihii hore guddida dhaqaalaha golaha wakiillada Somaliland, Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse (Cagawayne), ayaa golaha ka hor akhriyay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2024-ka, waxaanu sheegay in Miisaaniyadu ay tahay halbowlaha howl socodsiinta shaqada Qaranka, waxaanu xusay in laga dheehan karo hadba meesha ay u jihaysaneyso dowladdu sannad miisaaniyadeedkaasi, waxa uu intaas ku daray in laga dheehan karo badqabka dhaqaale, siyaasadeed, horumarineed, amni, mudnaanaha iyo qorshayaasha dowladdu u qorshaysan, sannad miisaaniyadeedkaasi.

Sidoo kale mudane Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in Miisaaniyada sannadkan 2024 aanay lahayn korodh iyo dhimis midna, isla markaana cadad ahaan ay la mid tahay tii sannadkii hore 2023-ka, waxaanu hoosta ka xariiqay in nuxur ahaan iyo siyaad ahaanba ka duwan tahay tii hore, waxaanu mudaneyaasha golaha wakiillada akhrin kadib ka codsaday in odoroska miisaaniyada lagu ansixiyo soo jeedimaha wax-ka-beddelka foofamka faahfaahsan ee ku lifaaqan warbixinta guddida, maadaama guddidu dadaal badan gelisay miisaaniyada.

Intaas kadib guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Somaliland, Mudane Siciid Faarax Mire (Giire), ayaa cod-geliyay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2024, waxaanu sheegay in Fadhigii golaha ay ka soo xaadireen 48 mudane, isla markaana ay ogolaadeen 41 mudane, 7 mudanena ay diideen, cid ka aamustayna aanay jirin, guddoomiyuhuna aanu codeyn, sidaasina ay ku ansaxday.

Sidoo kale Golaha wakiillada ayaa ansixiyay soojeedinta mooshinka khilaaf sharci oo ka dhaxeeyay shirkada DP. World iyo Al Waddaniya.

Geesta kale golaha wakiillada ayaa diiday Mooshin uu u soo gudbiyay madaxweynaha Somaliland, kaas oo uu doonayay in ay xilka kaga qaadaan Koomishaner Cabdicasiis Xirsi Warsame oo xubin ka ah guddida doorashooyinka qaranka Somaliland.

Golaha oo codka kalsoonida u qaaday ayaa ka hor yimid soo jeedinta madaxweynaha, waxaaney siiyeen kalsooni ah in uu ka sii mid ahaado guddida doorashooyinka ee uu ka tirsan yahay, 39 mudane ayaa diiday dacwadda madaxweynaha, 9 ayaa ogolaaday soo jeedinta madaxweynaha, guddoomiyuhuna muu codeyn, waxaaney golaha wakiiladu isku raaceen in uu Cabdicasiis Xirsi Warsame ka sii mid ahaado guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Koomishaner Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa dib ugu laaban doona shaqada iyada oo lagu waayay eedihi lagu soo oogay.

Waxa kale oo golaha la horkeenay mooshin ay ku saxeexan yihiin 32 xildhibaan kaas oo ku saabsanaa furitaanka xeer hoosaadka golaha wakiillada, mooshinkaasi oo la rabay in uu ku ansaxo 27, ayay 9 mudane ka noqdeen, waxaa ogolaaday 23 mudane, waxaanu guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilladu sheegay in Mooshinkaasi sidaasi ku jabay.

Gaba-gabadii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa golaha ku wargeliyay in goluhu uu geli doono fasax dhan muddo laba bilood ah.