Guddida Farsamo ee Isifahamka Somaliland iyo Itoobiya oo Kormeeray Dekedda Berbera

0
61

Berbera (Dawan) Guddida farsamo ee isfahamka heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa safar shaqo ku tagay magaalada Berbera, iyaga oo soo kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Dekedda Berbera.

Guddida ayaa waxa ku soo dhaweeyay Dekedda Magaaladda Berbera Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, kuwaasi oo shir kooban la yeeshay Maareeyaha, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Dekedda Berbera iyo habka ay u shaqayso wakhtigan.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa guddida soo mariyay goobaha Koonteenarada iyo shaqada adeega ee Dekedda Berbera ay ka socoto, waxaanu warbixin ka siiyay shaqada adeega ee ay hayaan oo uu xusay in wakhti xaadirkan ay u adeegayaan dhammaan badeecadaha wadamada jaarka ah, sidoo kale waxa uu guddida u sheegay inay hadda Dekedda Berbera ku soo xidhaan Maraakiibta dunida kuwooda ugu waawayn.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland ayaa sheegay inay ujeedka safarka guddidu uu ahaa inay u kuurgalaan shaqada ka socota Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, si ay uga baaraan dagaan fulinta heshiiskaasi, waxaanu ku dhiiri-galiyay guddida inay gacanta ku hayaan masiirkii bulshada Somaliland, isaga oo ka markhaati kacay in xubnaha loo xulay farsamada heshiisku ay yihiin kuwo ka soo bixi kara hawshaasi loo igmaday.

Ugu danbayn Maareeyaha Dekedaha Somaliland ayaa u soo jeediyay cid kasta oo ka xun heshiiskaasi, inuu heshiiskaasi hirgalyo oo ay shacabka Somaliland gabar taagan yihiin, waxaanu guddida ugu duceeyay in ILLAAHAY la qabto hawshaasi masiiriga ah.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka guddida farsamo ee heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya ahna Safiirka Somaliland u fadhiya dalalka Maraykanka iyo Kanada Bashiir Sheekh Cumar Good ayaa sheegay in safarkoodu uu daaran yahay indho indhayn iyo xog ururin ay sameeyaan guddidu, si ay ugu darsadaan hawsha ay hayaan, isla markaasina ay Madaxwaynaha u gudbiyaan, waxaanu u mahadceliyay Maareeyaha Dekedaha Somaliland shaqada baaxada leh ee uu ka qabtay Marsada Berbera.

Ugu danbayn Guddida ayaa sidoo kale waxa ay kulan la qaateen masuuliyiinta ugu sareeyay shirkada DP World oo maamusha Dekedda Berbera, waxaanay guddida warbixin ka siiyeen shaqada dekedda Berbera iyo horumarka ka socda tan iyo intii ay gacanta ku dhigeen maamulka Marsada Berbera ee sanadkii 2016-kii.