Warbaainta Iyo Cadaadiska Beenta Ah!

0
67

Dalka Hindiyana Macbadka ku yaalla gobolka Karela ayay mamnuuc ka yihiin inay soo galan dumarka da’doodu u dhaxayso 10 – 50 sano.   Waxaana dumarka deegaanka macbadka Karemal banana bax ka dhigaan gobolka iyagoo codsanaya in loo ogolaado macbadka oo aan la tookoorin oo ay ragga kala sinaadaan. Sidaasi aya weli dunida goobo badan dumarka loogu xaqirayaa oo loo yasayaa iyadoo warbaahintu cod dheer ku tebinasyo xorriyada dumarka iyo cadaadiska lagu hayo dumarka dalalka Islaamka.

 

Xarunta Naadiga Clubka Moorfields oo ku yaalla Scoctland ee dalka  Ingriiska kana mid ah  xarumah ugu waaweyn ee Golfka lagu ciyaaro ayaa mamnuuca ka ahaayeen inay dumarku soo galaan iyo weliba inay ka soo qayb galaan daawashada ciyaarta kama danbaysta, laakiin sanadkii 2017 aya loo ogolaaday inay xubin ka noqdaan oo ay soo galaan.

 

Waxa kale oo jira Macbad ku yaalla dalka Japan oo lagu magcabaao Macbadka Buurta sharafta leh oo ah gooob ay degan yihiin baadariyada masixiyiinta ah ayaan isagana loo ogolayn inay haba yaraatee wax dumar usoo dhowaadaan. Waxa kale oo aan loo ogolayn inay soo galaan dhamaan xayawaanada iyana dhediga ah.