Xukunka Iyo Ciqaabta Maxkamadda!

0
123

Sanadkii 2011  garsoore  Maraykan ah oo wakhtigaasi ridayay go’aanka xukunka uu ay maxkamaddu ka gaadhay ayaa nin lagu magacaabo Clifton Willymer  oo ka mid ahaa dadkii go’aanka maxkamadda dhegaysanayay  uu dhowaaq hamaansi ku dhuftay.

Xaakinka ayaa ka cadhooday ka dib markii uu ninkaasi aad u hamaansaday oo dadkuna kuwada jeesteen dhowaaqa hamaansigiisa, Garsooraha ayaa arinkaasi aad uga cadhooday oo u arkay inuu xaqirayo go’aanka xukunka maxkamadda, waxaana uu ku riday xukun ah 6 bilood.

Laakiin waxa la sii daayay Wiltmer markii uu xidhnaa muddo 3 toddobaad ah, ka dib markii la dhaleeceyay xukunka lagu riday