Golaha Wakiilada JSL iyo Hay’adda Interpeace oo Ka shiray Arrimaha Doorashooyinka Dalka

0
122

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wafti ka socda hay’adda Interpeace ayaa saaka ku soo booqday xafiiskii Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, iahna Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, ee Golaha, Mudane Siciid Mire Faarax “Giirre”.

Wafdiga, oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda, Honde Kakoma, waxa ay cabbireen sida ay Sharaf iyo farxadba ugu tahay inay kulan-shareef ugu yimaaddaan Golaha wakiillada, iyo sida aanay u moogayn sooyaalka milgoon ee labada dhinaca ka dhaxeeya oo soo taxnaa muddo dheer.

Dhinaciisa, waxa Sii-Hayaha xilka Guddoomiyaha, Mudane Siciid Mire Faarax, uu si diirran waftiga ugu soo dhoweeyey Golaha, waxa gudoomiyuhu uu dulmaray dedaallada Goluhu geliyey taabbagelinta doorashooyinka haddii ay tahay xeerdejin iyo haddii ay tahay tifaqyatirka arrimaha badan ee ku gedaaman soo-afjarka, tusaale ahaan, iyo dhammaystirka Xeerkii u dambeeyey ee golaha ka baxa Xeer Lr. 14 oo uu hadda gacanta ku hayo Madaxweynaha Qaranku.

Waxa uu uga mahadceliyey Waftiga kaalinta muuqata ee hay’adda Interpeace ka soo qaadatay geeddi-socodka doorashooyinka dalka, waxana uu rajeeyey in ay halkeedii iyo meel ka sii mugweynba ku yeelan doonto taakulaynta iyo badhitaarka taabbaqaadka dimuqraadiyadda dalka, gaar ahaan ka-midho-dhalinta doorashooyin turxaan la’.

Waxa uu gudoomiye Giirre tibaaxay doorka ay gole ahaan iyo shakhsi ahaanba la jecel yihiin in haweenku ku yeesho hoggaanka siyaasadda dalka iyo sida ay golaha ay uga go’an tahay inay taageero buuxda ka geystaan yoolkan maamul ahaan iyo abaabul ahaanba.

Waxa uu guddoomiye-ku-xigeenka Kowaada u rajeeyey in labada dhinac xidhiidh sokeeye oo dhidibbo adag leh siina ambaqaadi doonaan kulankan kowaad Ka dib.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa isaguna waftiga uga warbixiyey dhismaha Golaha dhinac maamul iyo dhinac guddiyaba.

Waxa uu Xog-hayuhu si gaar ah ugaga mahadnaqay Interpeace dhismaha qaybo ka mid ah xafiisyada golaha oo ay hay’addu hore u fulisey.

Xog-haye golaha Wakiilladu waxa uu ku akiday Guddoomiyaha ahmiyadda haweenku ku leeyihiin hoggaaminta dalka iyo ka mid ahaanshaha golayaasha u sarreeya ee

laga hoggaamiyo, waxana uu carrab-baabay in goluhu bilaabay hirgelinta wax u gaar ah haweenka iyo guddiyo ka dhex abuurma xildhibaannada oo si gaar ah isugu hawla tabantaabinta doorka haweenka ee siyaasadda dalka.