Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL oo ka Qayb Galay Shirka Amniga Badaha Aduunka oo Kulmiyay 56 Dawladood

0
140

Kolombo (Dawan) Shir maalmihii u dabeeyay u socday qaar ka mid ah wadamada aduunka, kaasi oo lagaga hadlayay amniga dhinaca badaha ayaa waxaa Somaliland uga qayb galay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye, shirkaasi ayaa lagu qabtay wadanka Sri-lanka caasimadiisa Kolombo.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo warbaahinta dawladda Khadka telefoonka ugu waramay ayaa sheegay in shirkaasi lagaga wada hadlay dhinaca amniga badaha iyo sidii looga wada shaqayn lahaa.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Admiral Axmed Hurre Haariye ayaa sheegay in shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen 56 dawladood, halkaasi Somaliland lagui amaanay sida ay u ilaaliyeen badaheeda oo aynay uga dhicin falal la xidhiidha budhcad badeed iyo wax lidi ku ah amniga badda waxaanu yidhi

“ Waxaan joogaa Caasimadda dalka Sri-lanka ee Colombo, waxaan kaga qayb galayaa shir lagaga hadlayo amaanka badaha aduunka, kaasi oo ay kasoo qayb galeen 56 Dawladood oo dunida dacaladeeda isaga kala yimi, Somalilandna ay kaga qayb gashay dawlad ka mid ah dawladahaasi.

Somaliland shirkan aad baa looga amaanay, sababaha looga amaanayna waxaa ka mid ah inaanay ka dhicin arrimaha budhcad Badeeda iyo in argagixisada aanay soonaha Somaliland soo gali karin.

Waxa kale oo aan saxeexay heshiis ay Jamhuuriyadda Somaliland xubin buuxa kaga noqonayso ururkaasi ay ku bahoobeen 56-ka dawladood kaasi oo la yidhaahdo ‘’IPORIS’’ shirkaasina wuu noo soo dhamaaday, Somaliland amaan iyo ixtiraam buuxa ayaanu kala kulanay, waxaana aynu ka mid noqonay ururkaasi”.