Dibadbaxyo ka dhashay Madaxweynaha Israa’iil oo Matxaf Yuhuuda ah ka furay Holland

0
53

Joogitaanka madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo furitaanka madxafka Holocaust ee xasuuqii Yuhuuda ee laga furayo dalka Holland ayaa dhaliyay dibadbaxyo looga soo horjeedo howlgallada militari ee Isreal ka wado Gaza.

Wuxuu ka qayb galay xafladda furitaanka Matxafka National Holocaust, oo ku taal xarunta Yuhuudda ee Amsterdam, todobaadkan.

Dibad-baxayaasha ayaa rashka iyo Beedka ku tuuray booliiska rabshadaha ka hortaga iyaga oo ka mudaaharaadaya booqashadiisa, sida ay sheegtay warbaahinta Holland ee De Telegraaf.

Khudbad uu jeediyay Mr Herzog ayuu ku sheegay in madxafku uu “xusuusan doono argagaxisada nacaybka ku dhalatay iyo cunsuriyadda”.

“Nasiib darrose mar dambe ma noqon doonto, hadda, laakiin waxa soo badanaya nacayb, waana inaan si wadajir ah ula dagaallanaa,” ayuu yidhi.

Qas ayaa ka dhashay booqashadiisa iyada oo boqolaal mudaaharaadayaal ah ay isugu soo baxeen agagaarka madxafka.

Dadka qaar ayaa la soo sawiray iyaga oo lulaya calamada Falastiiniyiinta iyo boorar, iyada oo sidoo kale la arkayay xubno ka tirsan kooxaha Yahuudda oo sita calanka Israa’iil iyaga oo ku baaqaya in si deg deg ah xabadda loo joojiyo Qaza lana sii daayo la haystayaasha.

De Telegraaf ayaa soo wariyay in qaar ka mid ah mudaaharaadayaashu ay fuuleen gawaadhida booliiska ee loo dhigay xannibaad ahaan, booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa budhadh ku garaacay markii ay bilaabeen inay tuuraan rashka iyo Beedka.

Matxafku waxa uu sheegay in ay ku casuuntay Mr Herzog ka hor weerarkii Xamaas ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii October, kaas oo horseeday weerarka Israa’iil ee Gaza.

Bayaan uu soo saaray. Waxa kale oo ay aqoonsatay imaanshaha Mr Herzog in ay keentay su’aalo laakiin waxa ay intaa ku dartay in uu matalo waddankii dadkii ka badbaaday Holocaust ee u soo haajiray Israa’iil.

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xafladda furitaanka boqorka Holland, Willem-Alexander, madaxweynaha Austria Alexander van der Bellen, ra’iisul wasaaraha Holland Mark Rutte iyo guddoomiyaha golaha federaalka ee Jarmalka, Manuela Schwesig.

Waxay la kulmeen qaylo ka timid dadkii badnaa markii ay soo gaadheen madxafka.

“Madxafkani waxa uu ina tusayaa cawaaqib xumada ay yeelan karto nacaybku,” ayuu boqorku ku yidhi khudbad uu u jeedinayay dadkii ka badbaaday Holocaust ee Nederland kulan ka dhacay Macbad u dhow.

Matxafka Holocaust wuxuu dadweynaha u furi doonaa isniinta si uu u xuso ku dhawaad ​​80 sano tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka, waxaana lagu soo bandhigi doonaa 2,500 oo walxood oo aan horay loogu arkin fagaarayaasha.

Ka hor qabsashadii Nazi-ga, Nederland waxay hoy u ahayd bulsho weyn oo Yuhuudi ah oo ku dhow 140,000 oo qof.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagu qiyaasay in 75% – 102,000 qof – la dilay intii uu socday Holocaust.