Maraykanka oo soo daad gureeyey Shaqaalihiisa Safaaradda Haiti,

0
76

Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in Axadii todobaadkan ay Haiti ka fuliyeen howlgal diyaarado lagaga soo daabulay shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee safaaradda ee dalkaas, waxaana ciidamada Maraykanka ay ku dareen in ay xoojiyaan ammaanka safaaradda, iyada oo dalkan Caribbean uu ku jiro xaalad degdeg ah.

Hawlgalku wuxuu ahaa calaamadii ugu dambeysay ee dhibaatooyinka Haiti iyada oo rabshadaha kooxaha gaangiska ama Budhcadu ay ku hanjabeen inay duminayaan dowladda waxayna keentay in kumanaan qof ay ka cararaan guryahooda.

Hawlgalka ayaa Maraykanku ku sheegay mid la socota hab-dhaqankeena caadiga ah ee kor u qaadista amniga safaarada ee caalamka, waxaana la sheegay in hawlgalka ay fuliyeen diyaaradaaha military ee taliska koonfureed ee ciidamada Maraykanka, mana jirin cid Haiti ah oo la hawl gashay. Sida lagu yidhi war laga soo saaray hawlgalka.

 

Haiti ayaa gashay xaalad deg deg ah Axadii la soo dhaafay kadib markii uu dagaalku sii kordhay xili Ra’iisul Wasaare Ariel Henry uu ku sugnaa Nairobi oo uu doonayay inuu heshiis la gaadho howlgalka Qaramada Midoobay ay taageerto oo muddo dheer dib loo dhigay.

Kenya ayaa sanadkii hore ku dhawaaqday in ay hogaamin doonto ciidamadan balse bilihii la soo dhaafay khilaaf dhanka sharciga ah ayaa si hufan u hakiyay howlgalka.

Sabtidii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken uu kala hadlay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, xiisadda ka taagan Haiti, waxayna labada nin hoosta ka xariiqeen inay ka go’an tahay hawlgal amni oo caalami ah, si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta.

Qoraalka Taliska Koonfurta, waxay ku sheegtay in Washington ay weli ka go’an tahay hadafyadaas.