Hay’adda Camuud Foundation, ayaa Kaalmo Raashin ah Gaadhsiisay 650 Qoys oo Danyar ah

0
163

Burco (Dawan) Hay’adda Camuud Foundation, ayaa deeq raashinka noocyadiisa kala duwan ah gaadhsiisay 650 qoys oo danyar ah, oo ku nool Kaamamka barakacayaasha Burco iyo Gar-adag.

Xaaji Axmed Cabdi Ismaaciil xidhiidhiyaha hay’adda Camuud Foundation,  ayaa sheegay in deeqdan loogu talogalay dadka danyarta ah inay ku soomaan bisha barakaysan ee Ramadaan, 150-ka qoys ayaa laga soo kala xulay, Kaamamka Barakacayaasha Burco iyo Gar-adag.

Sidoo kale   shacabka danyarta ah ee la guddoonsiiyay deeqda raashinka ah ayaa sheegay inay baahi weyn uqabeen gargaarkan ugana mahadcelinayaan hay’adda Camuud Foundation iyo maamulkeeda,   ee deeqdan soo gaadhsiisay.

Xaaji Axmed Cabdi Ismaaciil xidhiidhiyaha hay’adda Camuud Foundation, ayaa faahfaahin ka bixiyay kaalmada ay bulshadan u qaybinayaan.

Waxaanu yidhi.“Waxa aanu doonayna guddoomiye in aanu kugu wareejino raashinkii loogu tallo galay Muxsiniinta Sooman oo aanu ugu tallo galnay in ay ku afuraan, bisha Ramadaan.

Bulshada degmada Gar-adag waanu uga mahadcelinayna sida ay u soo xuleen dadka inta jilicdasan ee kaalmada u baahan,”

Maamulka degmada Gar-adag ayaa uga mahadceliyay Kaalmadan raashinka ah ee hay’adda Camuud Foundation, ay ku wareejiyeen si bulshada loogu qaybiyo.

Waxaaney yidhaahdeen.“Waxaanu halkan uga mahadcelinayna hay’adda Camuud Foundation, raashinka ay nasoo gaadhsiisay ee ay ugu talagaleen inay ku afuriyaan walaalahooda Sooman, raashinkan wakhti loo baahna ayaad noo keenteen, dadkii u baahnaana waanu gaadhsiinay,”