Xukuumadda Somaliland oo ku Baaqday in lagala Tashado Xal u Helida Xasaradaha ka jira Badda Cas

0
71

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqday dawladaha reer galbeedka inay xal u helidda  xasaradaha badda cas iyo gacanka cadmeed kala tashadaan dawladaha mandaqadaas ku yaalla ee ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sidaasi ku sheegay farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), taasi oo u qornayd sidan:-

“Dawladaha reer galbeedku ma keenaan xal, isla markaana lama tashadaan dadka aqoonta u leh  xaaladda. Sidoo kale mararka qaarkood way uga sii daraan xaaladdu siday  ahayd markii hore.

Xiisadaha iyo xasaradaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed  laguma furdaamin karo duqaymaha gantaallo  lagu bar tilmaameedsado meelo si aan kala sooc lahayn.

Dalalka la jaarka ah badda cas oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland waa in lagala tashadaa; haddii daacad laga yahay xal ka dhallinta  xasaradaha  gacanka cadmeed iyo badda cas.”