Guddida Doorashooyinka oo sheegay inay Doorashooyinka Wakhtigooda ku Qabanayaan

0
61

Hargeysa (Dawan) Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sheegay inay dhinacooda diyaar ka tahay qabsoomidda doorashadu, waxaaney sheegeen inay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ku tartamaan xisbiyada iyo ururada Somaliland.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Qaranka Mudane Muuse Xasan Yuusuf, ayaa  sheegay in doorashada ay wakhtigeeda ku qabanayaan, haddana ay ku hawlan yihiin wixii qabyo ka ah dhankooda dhammeystirkiisa.

waxaanu yidhi.“Guddida arrimaha gudaha iyo difaaca ee golaha wakiillada Somaliland, ahna guddida aanu hoos nimaadno ayaa noo yeedhay, isbarasho ayay noogu yeedheen, meelaha ay wax noo marayaan, in aanu wada shaqayno iyo doorashadii loo diyaargaroobo ayaanu kawada hadlaynay.

Warka aanu bulshada u sheegayna waxa weeye in doorashadii loo diyaargaroobo, xilligii lagu heshiiyayna ay ku dhici doonto, 13 November ay ku dhici qabsoomi doonto, sida uu sharciga iyo xeerarka dalku dhigayaana waanu soo saaraynaa, waxaanu diyaarinayna dadkii kama danbaysta ahaa ee codaynlahaa.

Horena waanu ugu diyaar garownay wixii farsamo ee anaga nagu xidhnaa, imikana hadh iyo habeenba waanu u shaqaynayna haddii ALLE yidhaahdo