Madax Sare oo ka Socday FAO iyo Midowga Yurub oo Kormeeray Dhul-beereedka Gobolka Togdheer

0
120

Burco (Dawan) – Wefti ka socday Hay’adda FAO iyo Midowga Yurub oo safar shaqo ku tagay Gobolka Togdheer, ayaa kormeeray beeraleyda deegaanada Beer iyo Kaba- dheere.

Isu-duwaha Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL ee gobolka Togdheer Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim oo hoggaaminayey Weftigaasi, ayaa warbixin ka siiyey madaxda ka socotay FAO iyo Midowga Yurub wax soo-saarka Beeraha deeganada ay kormeereen iyo qorshahaha kor loogu qaadayo wax soo-saarka Beeraha gobolka.

Sidoo kale, Isku-xdhaha mashruuca CadRE project oo Wasaaraddu ka waddo Togdheer Maxamuud Jaamac, ayaa isaguna sharaxay waxqabadka mashruucaas ay ka fulisay Togdheer.

Qaar ka mid ah beeraleyda deegaannada Beer iyo Kabo-dheere ayaa ka mahad- naqay sida wasaaradda horumarinta Beeraha JSL iyo Hay’adaha la shaqeeyaa u garab taagan tahay beerlayda, iyagoo bogaadiyey dedaalka Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Togdheer.

Dhinaca kale, Madaxa ugu sareeya hay’adda FAO ee Somaliland iyo Somalia, madaxa Somaliland u qaabilsan midawga Yurub (European Union) ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado wax soo-saarka Beeraha, sida mashariicda ay u wada shaqeeyaan wasaaradda horumarinta Beeraha JSL, waxayna sheegeen inay gobolka Togdheer ka fulin doonaan mashaariic dhanka Beeraha ah, iyada oo lagu salaynayo baahiyaha beeralayda Gobolka Togdheer.