Faa’iidada Akhlaaqda Wanaagsan!

0
57

Daraasada lagu baahiyay Wargeyska Times ayaa cadeeyay  in qofka akhlaaqda wanaagsan ee aad u ilaaliya xuquuqda bulshada uu ka cimri dheeraado dadka dhibta badan ee xadgudbku ku badan yahay.

Daraasada ayaa cadaysay in dadka aad u ilaaliya walaaltinimda, naxariista, samafalka bulshada  iyo ixtiraamku ay yihiin kuwo ay ku yar tahay anaaniyda iyo keli wax isla doonku, taasi oo sababta in shaqada maskaxdu had iyo jeer ay si degen u hawl gasho, Cimirigeeduna ku dheeraado.

Halka kuwa cadhada badan, xasadka iyo dhibtu ku badan tahay ay maskaxdu mashquul ku noqoto hawlaha aan waxba u tarayn taasina ay keento in cimirigeedu uu noqdo mid soo gaabta. Waxa kale oo daraasadu muujisay in jimcsiga, ilaalinta caafimaadka iyo nadaafada ay iyaguna qayb ka yihiin caafimaadka iyo cimiriga maskaxda.