Shir lagaga hadlayo Amniga Caasimada oo lagu Qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Hargeysa

0
54

Hargeysa (Dawan) Dowladda hoose ee caasimada Hargeysa, gaar ahaan waaxda nabadgelyada ayaa soo qaban qaabisay shir lagu falanqeeyay   sidii xal waara looga gaadhi lahaa aafada maandooriyaha kala duwan ee halista ku ah mustaqbalka iyo caafimaadka dhallinyarada.

Kulankan waxa shir guddoomiyay duqa caasimada Hargeysa, mudane Cabdikariim Axmed Mooge, madaxda waaxda nabadgalyada iyo masuuliyiin ka socday  laamaha amaanka, cadaaladda, sirdoonka, guddida wanaagfarista iyo xafiiska caafimaadka dowladda hoose ee Hargeysa.

Waxa kulankan xoogga lagu saaray in meel looga soo wada jeedsato sidii loo adkayn lahaa ammaanka goobaha ay wax ka soo geli karaan caasimada, sida  maandooriyayaasha  kala duwan ee halista ku ah mustaqbalka dhalinyarteenna iyo in la ilaaliyo isla markaana dabagal dheeri ah lagu sameeyo goobaha lagu iibiyo daawooyinka sida qaldan loo iibiyo.