Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Qaabiley Wefti Maalgashadeyaal ah oo ka socday Dalka Sucuudiga

0
73

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dalka Sucuudiga gaar ahaan,    Shirkada Ocean Pioneers Trade Centre.

Shirkadan ayaa dalka u timi dhinacyo kala duwan oo Maalgashiga ah oo ay ka mid yihiin beeraha, xoolaha iyo macdanta.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo dhaweeyay weftigan una sharraxay fursadaha maalgashi ee ka bannaan dalka, waxaanu masuuliyiinta shirkadaas ku wargeliyay in ay dawladdu u fududayn doonto hirgalinta mashaariicda ay doonayaan inay dalka gudihiisa ka fuliyaan oo ay maalgashadaan.

Shirkaddan ayaa daba socota dedaalo badan oo ay Wasaaraddu samaynaysay sidii ay dalka ugu soo jiidi lahayd maalgashiyo kala duwan.

Kulanka waxa la isku afgartay in dhawaan ay ka bilaabi doonaan qiimayn rasmi ah oo kala duwan oo ku saabsan qaybaha ay danaynayaan ee maalgashiga, kadibna ay bilaabayaan maalgashiga ay doonayaan oo ay ka wada shaqaynayaan wasaaraddaasi.

Wufuuda kala duwan ee doonaysa inay dalka maalgashadaan ayaa siweyn ugu soo qulqulayay muddooyinkii u danbeeyay kuwaas oo siweyn u indha indhaynayay meelaha ay muhiimka u arkaan ee ay is leeyihiin waad maalgashan kartaan.