Taliyaha Booliska oo la Shiray Hay’addaha ay wada Shaqeynta leeyihiin Ciidanka

0
49

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa shalay kula shiray taliska guud ciidanka booliska madaxda hay’adda caalamiga ah ee wada shaqaynta dhow leeyihiin.

Kulanka taliyaha ciidanka booliska iyo hay’adda waxa goob joog ka ahaa hoggaanka tabbabarka Ciidanka, saraakiil sar sarre iyo madaxa xidhiidhka ha’yaddaha caalamiga ah ee ciidanka.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay hay’adda hawlaha ciidanka boolisku u qabtaan, waxaanu ku booriyay dadaalka iyo isgarabtaaga ay u muujiyaan markasta ciidamada booliska, waxaanu uga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen yeedhmadii loo diray.

Haddaba intii kulankaasi socday waxa lagaga wada hadlay dardar-gelinta iyo xoojinta wada shaqayneed ha’ayadaha iyo Ciidamada Booliska JSL, iyo sidii ay u xoojin lahaayeen taageerada buuxda ee markasta siiyaan.